Aabbe 6 caruur ah iyo Hooyadood kaga dhinteen roobabkii ka da’ay Puntland(Cod/Masawiro)

November 18, 2013 - Written by Editor

DSC01005Axmed Xassan Ismaaciil waa Aabe ay caruurtiisa oo lix ah iyo hooyadood ay kaga dhinteen roobabkii iyo dabaylihii duufaanaha watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Gobolka Nugaal, Bari, Karkaar. Aabbe Axmed Xassan Ismaaciil  ayaa saxaafad u sheegay in xiliga dabaylaha iyo roobabku ay ku dhufeen oo xoolo uu lahaa uu ka xeeyey meel taag ah ka dibna markii uu ku soo laabtay meeshii ay reerku u deganaayeen uu ugu yimid  reerkiisii oo uu daadkii uu la tegay xoolahiina ay dhinteen.

Qoyska Axmed Xasan allaha u naxariistee ayaa waxaa ay deganaayeen meel la yiraahdo Yabaarasuug oo u dhow tuulada Ceel-madow oo ka tirsan Degmadda Eyl ee Gobalka Nugaal. Roobabka dabeylaha iyo duufaanaha watay ee ku dhuftay degaanada Puntlland ayaa waxaa ku dhintay dad fara badan waxaan ku cayrtoobay boqolaal dad ah oo xoolihii ay lahayeen ay ka dhinteen.

Culimo’udiinka ku nool degaanada Puntland ayaa waxaa  ay wadaan gurmad xooggan iyagoo maalmihii la soo dhaafay gaarsiiyey gurmada iskugu jira Bur , Sonkor , Bustayaal , Saliid , Buskud , Timir , Dhar iyo Agab kale, culimada ayaa waxaa ay xalay ku hoydeeb degaanka Dangorayo waxan la filayaa in saxaafada ay uga warbixiyaan socdaalkii ay ku tageen degaanada fogfog ee dhibaatadu ka dhacday.

Hoos ka Dhagayso Waraysi Aabe Axmed Xassan Ismaaciil

no images were found

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online