Al shabaab ma mahadiyeen dilkii Sh Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan

November 14, 2013 - Written by Editor

DSC020652Maanta oo kale oo bisha muxarram toban tahay labo sano ka hor ayey gacan ku dhiiglayaal ka tirsan kooxda al shabaab Shiikh Dr. Axmad xaaji cabdiraxmaan ku dileen masjidka xasan bin cali ee magalada boosaaso hortiisa, isaga oo xilligaas masjidka salaaddii subax ku soo tukaday, sheekhu maalintaas wuxuu soommanaa cashuuraa, maalmo ka horna wuxuu ka soo noqday xajka.

Dilka diktoorku dad badan ayuu ka nixiyay, kooxda shabaabna way ku bishaareysteen, waxayna la aheyd in guuli u soo hoyatay, mar haddii ay umaddii gabawareen, culimadii diinta fasaadkooda ka difaaceysayna ay hadh cad toogteen, madaxda ururkaas waxay la aheyd inay sahlantahay inay culimada ummadda maalinba mid iska shidheystaan, waxayna moodayeen in xabbadda ay dadka ku leynayaan ay ka awood badantahay codka culimada xaqa sheegeysa, waxayse maalmuhu ina tuseen in xisaabihii madaxda ururkaasi isku dareen ay khaldanaayeen.

Al shabaab khasaaraha ka soo gaadhay dilkii diktoor axmad in maqaal lagu soo koobo ma fududa waxaanse isku dayayaa inaan inta aan xusuusto qodobo ku soo uruuriyo:

1. Kooxdii diktoorka dilkiisa sida tooska ah u fulisay intoodii badneyd abaalkood baa la mariyay, waana la wada toogtay in kale oo ka ag dhoweydna xabsi dheer eyey ku jiraan, inta baxsadka ku maqanna Ilaahay waxaan ka baryeynaa inuu soo gacan galiyo si loo mariyo dowga ay mudanyihiin, waxaana filayaa inayna haddaba nolol fiican ku nooleyn oo ay ogyihiin mashaqada aakhiro iyo adduunba sugeysa.

2.Dilka Dr. Axmad Xaaji Cabdiraxmaan wuxuu daaha ka qaaday xumaanta kooxda alshabaab oo dadka qaarkood xilligaas ka hor urur diineed moodayeen, sidaasna waxay ku lumiyeen sumacaddii aan awalba taagta badneyn ee gacan ku sameyska aheyd, qof walbana maanta wuu arkaa sida al shabaab loo nacay ee ay quluubtu u karaaheysatay.

3. Al shabaab markii ay dirktoorka dilayeen dhul badan ayey heysteen awood muuqatana way lahaayeen,wax yar dilkii diktoorka ka dibna si lama filaan ah ayaa awooddoodii u soo uruurtay, dhulkii ay haysteen badankiisiina dagaal la, aan ayey ka wada huleeleen, waxaadna mooddaa in ilaahay habaarkii ummadda oo culimadu ugu horreyso uu aqbalay, baaqiga shabaab maanta ka soo hadhayna niyad kuma wada joogaan, intooda badanna waan hubaa haddii ay heli lahaayeen meel ay u cararaan inay wada fakan lahaayeen.

4.U jeeddooyinka alshabaab diktoorka u dileen waxaa ka mid ahaa inay culimada aamusiiyaan si aan loo ogaanin qollooca diineed ee ay ummadda ku khasbayaan, dilkii diktoorkuse wuxuu bar billow u noqday in culimdu si baaxad leh oo badheedh ah uga wada hadlaan khaladka diineed ee al shabaab iyaga oo aan gooddiga uga imanaya dhag jalaq u siineynin.

5. Dilkii diktoorka ka dib al shabaab waxay lumiyeen gabbaadkii diineed ee ay dadka ku khiyaameynayeen, waxaana umaddu wada aragtay in al shabaab ay yihiin urur dhab ahaan diinta iyo ehelkeeda la dagaalamaya oo tabo iyo xeelado badan arrintaas u adeegsanaya, waxaana si cad loo ogaaday in uarurka al shabaab uu yahay muuqaal ka mid ah muuqaallada kooxaha ashahaado la dirirka ah ee shisheeyuhu soomaaliya ka sameeyeen.

6. Dilkii diktoor axmad ka dib shabaab waxaa ku billowday oo waliba soo shaac baxay khilaaf madaxdooda u dhexeeya, waxaana khilaafkaas ay iskaga dileen qaar ka mid ah kuwii soo maleegay shirqoolkii diktoor axmad alle ha u naxariistee lagu dilay.

7. Waxaa si fiican u macno beelay aaladdii warbaahinta ee al shabaab oo dadka qaar ay xogta ka qaadan jireen intii ka horreysay dilkii diktoor axmad alle ha u naxariistee, waxaana dadkii u caddaatay in saxaafadda ururka al shabaab ayna aheyn mid lagu kalsoonaan karo waxa ay baahisana uu been-abuur u badanyahay, waliba waxaa intaas sii dheer oo si dhab ah loo ogaaday in baraha internetka ee u hadla ururka shabaab xarumohoodu ku yallaan Mareykanka iyo Ingiriiska, taas oo daaha ka qaadday cidda ay u shaqeeyaan iyo u jeeddooyinka ay xaqiijinayaan.

8. Dilkii diktoor axmad ka dib waxaa ilaahay kashifay dad la moodayay inay culimo yihiin oo uu ka mid ahaa xassaan xuseen oo isaga oo nayroobi nabad ku fadhiya culimada gaaleysiin jiray dhiiggoodana in la daadiyo ku faani jiray, waxaa ilaahay daaha ka qaaday hadalladii been-abuurka ahaa ee uu ka sameeyey dilkii Diktoorka. Sidoo kale waxaa caddatay been-abuutka uu culimada iyo kutubtooda u tiirin jiray, waxaana si dhab ah loo ogaaday inuu foojariyeyste weyn yahay oo kutubta iyo culumada been ku naba, arrintaasna waxaa kitaab ka qoray sheekh maxamuud shibli alle ha xafidee.

9. Ka dib dilkii diktoor axmad wax ka nusqaama mooyaane waxba uma soo kordhaan kooxda alshabaab, dhalin yaradii ku khaldami jirtayna xaqiiqadoodii ayaa ilaahay tusay, inta fahansan oo fikirkooda ka soo horjeeddana maanta dhallainyaro ayaa u badan.

10. Al shabaab waxaa qorshe u ahaa in dacwadu iyaga u qafaalnaato, wixii iyagu ay laayaan mooyaane baaqiga soo hadhana in hadhow shabaab ahaan loo laayo, umadduna ay wadaad oo dhan isla nacdo, dilkii diktoorkuse wuxuu keenay in shirqoolkaasi burburo ummaduna kala garato culimada saxda ah iyo mujrimiinta magaca diinta foolxumeynaya.

Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu xassaan)
xasanyare@msn.com

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online