Ambassador Nicholas Kay iyo wafdi la socda oo tegay magaalada Garoowe

November 20, 2013 - Written by Editor

Kay-pressGaroowe:-Waxaa saaka gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay , wafdiga la socday Ambassador Nicholas Kay ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay  ayaa waxaa uu kulan la qaatay Madax weynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyo qaar ka tirsan Golahiisa wasiirada gaar ahaan Wasiirka Amniga iyo wasiirka Qorshaynta  iyo xiriirka caalamiga.

Socdaalka uu ku yimid magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay  iyo wafdigiisa ayaan ilaa hadda u jeedadiisa la cadayn balse waxaa la filayaa in jeedka safarkooda uu la xiriiro arrimo ku saabsan gurmadka dadka tabaalaysan xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaliya.

Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole iyo Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay  ayaa marka uu shirkoodu dhamaado waxaa ay la hadli doonaa saxaafada.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online