Barnaamijkii gurmad oo caawa galay habeenkiisii Afaraad ( Warbixin)

November 14, 2013 - Written by Editor

DSC00180 - CopyBoosaaso:-Waxa caawa Masjidkaweyn ee Al-Rowda ka sii socday barnaamijkii gurmad wuxuuna galay caawa  habeenkiisii afaraad.Barnaamijkaan oo intuu socday aysan ukala harin  Dadwaynuhu ka qayb qaadashadiisa Rag, Dumar Dhalinyaro iyo Duqayb Shirkado iyo Shakhsiyaad Wadaad iyo Waranle Shaqaale iyo Xamaali intaba.

Culimada ayaa waxaa ay Bulshada ku booriyeen inay Sadaqada labaxaan maadama laga helayo Khayraad fara badan ayna muhiim tahay in Walaaluhu ay wax is taraan marka ay dhibaatadu timaado. Dadwaynaha qaar kood oo lasoo xiriiray Culimada ayaa waxaa ay sheeganayeen Baahiyo ay qabaan islamarkaana ay rabaan in Bulshada walaalohooda iyo Culimaduba ay u ducayso si baahidoodu ay dabool mato.

Sidoo kale barnaamijkaan ayaa intuu socday waxa dadwaynihii iyo shirkadii ka qayb qaatay dal iyo dibadba ay ku deeqeen hanta isugu jirta lacag cadaana , raashi, bustayaal, bacaha roobka laga galo iyo waxyaaba kale, oo qiimo ahaan hadii laysku daro gaaraya 100000$(boqol kun oo doolar).

Gaba gabadii barnaamijka ayay culimadu sheegeen in waxa lasoo gaba gabeeyay uu yahay barnaamijkii ka socday masaajid, hase ahaatee aruurinta tabarucaadu aysii socon doonto, dadka wax ku deeqayana ay ku soo aadin karaan meelahan soo socda;

Gudiga culimada oo kala ah:

1-   Sh.Daahir Aw Cabdi +252907726104

2-  Sh.Axmed Daahir Xasan +  252907727229

3-   Sh.Faarax Maxamed Cajab +252907799914

4-   Sh.Axmed Yuusuf Daad +252907793171

5-   Sh.Axmed Faarax Garaase +252907765212

6-   Sh Max’ed Macalin Axmed +252907796364

 

AKOONADA:

1-Amal:49747

2-Dahabshiil:BSSD004293

3-Golis sahal A/C 401905

Musasat Al-Minhaaj
Boosaso

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online