Barnaamijkii gurmad oo habeenkii 2aad galay iyo warbixin ku saabsan degaanadii dabayshu ku dhufatay

November 12, 2013 - Written by Editor

999429_582690785129643_349451075_nBoosaaso:-Mu,asasada AL-minhaaj oo dadaal dheer ugu jirta siddii  wax loo gaarsiin lahaa dadkii ay dabayluhu saameeyeen ayaa habeenkii labaad ka dhacay Masijdka weyn ee Al- Rawda iyadoo Barnaamij Tabarucaad loogu aruurinayo ay ka wadaan culimadu waxaan arrinkaas kala qayb qaadanayey,waxgarad
iyo Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland .

Barnaamijkan tabaruca ayaa waxaa ka qayb qaatay dad weyne  fara badan oo ku kala sugan dal iyo dibadba , waxaana kamid ah Shirkadihii ka qayb qaatay shirkadaha Dahabshiil  Najax , almacruuf  ,Xalwo Kismaayo,  Maxjarka –Wadaniga ah ,Tawfiiq ,Muwaafiq , Alfadli,  Bulsho Rasmi, Golis ,Amal iyo kuwo kale.

Dr Cali Xaaji Warsame oo ah Musharax Madaxnimada Puntland oo la soo xiriiray Culimada kana qayb qaatay Gurmadka ayaa waxaa uu Musharixiinta kale ku booriyay inay ka qayb qaataan Gurmadaasi isagoo ku sugan dalka Kenya . Dufaanadaan iyo dabaylahaan ku dhuftay deegaamadaan ayaa Muddo laga jooga ilaa afar casho  waxaay ka bilaabmeen degaanada xeebta ku teedsan ee gobolada Bari, Karkaar iyo Nugaal roobab lixaad leh oo u socday si aan kala go’ lahayn muddo saddex casho ah, kaasoo jilciyey dadkii iyo duunyadiiba maxaa yeelay mudadaas saddexda beri ah xoolana ma soofin dadkuna dab ma shidan halkaasoo dad iyo duunyo ay macaluul isugu cawdeen.

Waxaa saqdii dhexe ee habeenkii u saddex ahayd roobabka bilawday dabaylo doofaan ah oo wata qabaw aad u fara badan, kuwaasoo sababay dadkii iyo duunyadii sabarkoodu faaruqa ahaa oo gaajada la ildarraa in ay adkaysan waayaan, ayna iskula wareegaan salaw iyo sawaxan.

Sida wararka aan ka helaynu ilaha lagu kalsoonyahay sheegaayaan waxay sababeen roobkaasu khasaare dad iyo duunyoba leh, in kastoo aan tirada khasaarada oo dhabta ah ilaa hada la sheegi Karin hadana wararku waxay sheegaayaan in sida la moodaayo in badan arintu ka culustahay waxaase wararka bilawga ahi sheegayaan in xoolihii ku noolaa agga ay musiibadu ka dhacday ilaa 80% ay dhimatay gaar ahaan ariga iyadoo ay jiraan boqolaal reer oo gebi ahaanba cayroobay halka la sheegaayo tobanaan dad ah oo ku nafwaayey duufaanadaas, iyadoo dhul badan oo duufaantaanu ay ku xoog badnayd aan ilaa iyo hada wax xog ah laga hayn loona gudbi waayey daadad iyo dhiiri dartood.

Dadaalada loogu jiro in dadkaas wax la gaarsiiyo ama gurmad lala gaaro ayaa isa soo taraaya in kastoo aysan gaarsiisnayn heerkii la rabay, ama meesha oo aan la geli Karin ha ahaato ama xogta la hayo oo aad u hoosaysa ha ahaatee dadaalkii loo baahnaa weli wax badan ayaa ka dhiman.

Culumada gobolku dadaall dheeraad ah ayey ugu jiraan in dadkaas kaalmo la gaarsiiyo ilaa iyo hadana waxay ku guulaysteen in waxyaabo hor dhac ah la gaarsiiyo oo ay ugu muhiimsanyihiin cunooyinka diyaarsan sida timir, buskut, teendhooyin, bustayaal, baasto, iyo weliba waxyaabo iidaan ah. Hadana weli waa la wadaa dadaalka wax loogu ururinaayo.

Sidoo kale waxaa ka mid ah waxyaabaha sii adkaynaaya in wax la lagaarsiiyo dadkaas dhibaataysan waxaa ka mid ah in xalay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka nugaal ay jareen wadadii dheerayd ee isku xiri jirtay garoowe iyo bosaso halkaas oo ahayd meesha keliya ee loo maraayay dhulka dhibaataysan,, taasuna waxay keenaysaa in wax bosaso uga yimaada maahee aan garoowe waxba damme uga tegi doonin maalmahaan soo socda.

Mu’asasada alminhaj ee dacwada iyo horumarinta abaabulaysay dhamaan dadaalada culumadu waday waxay dhamaan dadka muslimka ah gaar ahaanna dadka soomaaliyeed ugu baaqaysaa in ay six eel dheer uga qayb qaataan qof walbaana uu walaalkiisa dhibaataysan wuxuu ugu deeqi karo si degdeg ah usoo gaarsiiyo.

Sikastaba ha ahaatee Gurmadkaani ay bilaabeen Culimada ayaa waxaa uu soconayaa ilaa Maalmaha soo aadan waxaana Walaalaha raba inay ka qayb qaataan Gurmadkaani dal iyo dibadba ay kusoo aadin  karaan tabarucaadkooda Xawaaladaha Dalka gaar ahaan Bosaso iyagoo kusoo qoraya Magacyada Culimada kala ah:-

Sh.Daahir Aw Cabdi +252907726104

Sh.Axmed Daahir Xasan +252907722229

Sh.Faarax Maxamed Cajab +252907799914

Sh.Axmed Yuusuf Daad +252907793171

Sh.Axmed Faarax Garaase +252907765212

Sh Max’ed Macalin Axmed +252907796364

Ama A/C Sahal 401905

Musasat Al-Minhaaj
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online