Bulshada iyo Culimo’udiinka Gobolka Sool oo gurmad soo gaarsiiyey Garoowe.(Masawiro/Video)

November 19, 2013 - Written by Editor

1Laascaanood:-Waxaa maanta gurmad balaaran oo iskugu jira lacag iyo raashin iyo agabyo kale soo gaarsiiyey gudiga Gurmadka culumada ee gobalka Nugaal bulshada , culimo’udiina iyo waxgaradka  ku dhaqan Gobolka Sool.Gudoomiyaha gudiga gurmadka Gobolka Sool Sh.Axmed Maxamed Suleymaan iyo Sh.Aadan Weli ayaa ku wareejiyey deeq kala duwan oo ka timid gobalka Sool kuwaas oo ay ugu deeqeen walaalahood ku ceyrtoobay duufanada ku dhuftay Goboladda Nugaal, Karkaar iyo Bari.

Gudiga gurmadka culumada gobalka Nugaal ayaa deeqda ka timid gobalka Sool waxay kula wareegeen gudiga gurmadka Gobolka Nugaal oo uu Madaxa u yahay Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf , Shiikh Dalmar Guureeyey, Sh Cabdirashiid Maxamed Ismail, Shiikh Cabdi Qani Qorane , culimada iyo waxgaradka Gobolka Sool ayaa deeqdaan  ay wareejiyeen waxaa ay gaaraysay lacag dhan ilaa $26.000 kun oo doollar iyadoo goobta lagula kala wareegay deeqdaan ay ahayd  Masjidka weyn ee Al-hudaa ee magaalada Garoowe.

Deeqda ay maanta ay wareejiyeen culimada magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka sool ayaa waxaa kale oo kamid ahaa ilaa 2 gaari oo ay saarnaayeen ,Sonkor, Bur, Bustayaal, Baco iyo Maacuun. Guddoomiyaha Gudiga Gurmadka culumada ee Gobalka Nugaal Sheekh Maxamed Xaji Yuusuf ayaa mahad balaaran u celiyey dhamaan shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool iyo dhamaan culumada iyo waxgardka u kacay gurmadka walaalahood dhibtu gaartay.

Hoos ka Daawo Bulshada iyo Culimo’udiinka Gobolka Sool oo gurmad soo gaarsiiyey magaalada Garoowe

no images were found

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online