Cambaarayn dilkii xaq darrada ahaa ee Alle ha u naxariistee ganacsade Caaqil Cabdiladiif Axmed

November 25, 2013 - Written by Editor

BaaqaLondon:-Alle ha u naxariistee waxaa si fool xun oo waxashnimo ah oo gardarro iyo sabab la’aan loogu dilay magaalada Kismaayo ganacsade Caaqil Cabdiladiif Axmed-nuur Xassan maalintii Sabtida ee taariikhdu ahayd 23kii Nofeembar 2013.Ganacsadaha si weyn baa looga yiqiin gobollada Jubbooyinka gaar ahaan magaalada Kismaanyo oo degaankiisa ahayd. Waxaa ninkaan ganacsadaha ah oo caaqilka ah lagu yiqiin oo uu caan ku ahaa inuu ka shaqeeyo wanaaga, amniga, in dadku nabad ku wada noolaado, iyo xallinta mushkiladaha dadka dhexdiisa ah.

Waxaa marxuumka dilkiisa oo ahaa dil abaabulan loogu marmarsooday nin cid dishey aan la garanayn oo meydkiisa la soo dhigay dhul beereed cidla’ ah oo magaalada duleedkeeda ku yaal oo isagu mulkigiisa lahaa.  Maadaama ninka meydkiisa la helay aan cid loo hayn waxaa loo qabsaday marxuumka iyadoo sabab lagu tuhmo aysan jirin oo aan ka ahayn inuu dhulka meydka laga dhex helay isagu leeyahay. Waxaa looga yeeray saldhigga boliiska, markuu saldhigga tageyna wuxuu xaqiijiyey inuu dhul-beereedka meydka lagu dhex arkay isagu leeyahay hase yeeshee uusan garanayn cidda meydkaas meesha soo dhigtay iyo wax diley toonna.

Waxaa wax lala yaabo ah oo caqliga ka weyn in dabadeed sabab la’aan si gaf iyo xad-gudub ah loo xiro oo xabsi la dhigo.  Waxaa ka sii layaab weyn in iyadoo ciidamadii amnigu gacanta ku hayaan oo uu amnigii dhex-joogo inta si abaabulan oo qabyaaladaysan loo kaxaysto oo madaxtooyada lala tago lagu shabbaaxo.

Waxay beesha Reer Xirsi Faarax ee Cumar Maxamuud oo marxuumka la diley ka dhashay meel kasta oo ay joogto gaar ahaan Jaaliyadda  ku nool UK waxgaradkooda,  waayeelkooda culumaa’u-diinkooda, aqoonyahankooda rag iyo dumarba aad uga xuntahay sida ugu adagna u cambaaraynaysaa sida foosha xun ee argagaxa leh ee gardarrada loogu dilay marxuum ganacsade Caaqil Cadiladiif Axmed-nuur Xasan.

Waxaa jaaliyaddu ugu baaqaysaa maamulka jubbooyinka inay dhacdadaan foosha xun ee ciidamada amniga ee maamulku fuliyeen tallabada kaga haboon ka qaadaan oo la soo qab qabto dhamaan intii ku lugta lahayd oo ay ka midka yihiin ciidamadii amniga ee gardarrada u xirtay markii hore dabadeedna wareejiyey, ciddii ay ku wareejiyeen, kooxdii cidda lagu wareejiyey ugu geysey madaxtooyada dabadeedna ku shabbaaxday, ciddii soo abaabushey kooxda ku shabbaaxaday iyo ciddii amartay.

Waxaa kaloo jaaliyaddu ku baaqaysaa in dhinaca kale ee marxuumku ka soo jeedo ay xaaladda dejiyaan oo amniga dhawraan lagana war sugo maamulka tallaabada iyo jawaabta uu ka bixiyo arrintaan. Jaaliyaddu waxay tacsi tiiraanyo badan u diraysaa qoyskii iyo eheladii marxuumka laga diley iyadoo ilaahay uga baryaysa isagana gacan ka xaq daran baa dishaye inuu jannaddiisa Fardowsa ugu bishaareeyo iyagana samir iyo iimaan ka siiyo.

Guddoonka  guddiga jaaliyadda beesha ee UK

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online