Ciidamo ka tirsan DFS oo ku dagaalamay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose
November 17, 2013 - Written by EditorAfgooye:-Wararka naga soo gaaraya deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in ciidamo ka wada tirsan DFS ay ku dagaalameen deegaanka Lambar 50 waxaana dagaalka uu dhaliyey khaasro leh dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka maanta dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DFS ee ka dhacay Lambar 50 ayaa waxaa uu salka ku hayaa qabiil waxaana dagaalka uu sidoo kale saameyn ku yeeshay Degmada Marka .
Dagaalka ayaa wili ka socda deegaanka Lambar 50 iyo deegaanka Buufoow oo ku dhow degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose waxaana dagaalka uu yahay mid ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan DFS oo ka hadlay dagaalka maanta ka socda deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose .
A/Cawale
Halgan.net