Ciidanka daraawiishta Puntland oo gaari ku soo qabtay degmada Burtinle

November 1, 2013 - Written by Editor

baabuurGaroowe:-Warar naga soo gaarayey degmada Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in labo gaari oo ay wateen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland ay xalay ku baxeen  gaari loo yaqaan Cabdi Bile oo uu lahaa  musharax Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas waxaana gaariga uu kala soo degay Dekkada magaalada Berbara.

Gaariga ayaa waxaa uu ku sii jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug balse waxaa dhalinyaradii waday ay ku hakadeen degmada Burtinle ee gobolka Nugaal ,Ciidamada Puntland oo watay labo baabuur kana yimid magaalada Garoowe ayaa rasaas huwiyey  markii ay qabanayeen baabuurka Cabdi Bilaha ah waxaan howlgalkaas ku dhaawacmay hal qof, halka labo kale iyo baabuurka ay qabteen ciidanku.

Dowllada Puntlland ayaa mamnuucday in baabuurta la saaro hubka loo yaqaan Tiknikada ah ay la soo degi karin dadka caadiga ah oo ay dowladda Puntlland kaliya la soo degi karto waxaan xeerkaas la meel mariyey xiligii uu Puntland Madaxweynaha ka ahaa Col Cabdulalahi Yuusuf Axmed.

Odayaasha dhaqanka ee degmada Burtile ayaa ku tilmaamay falka ay ciidanka daraawiishtu ku kaceen mid lagu deg degay oo qaab kale loo xalin karay iyaga oo ay ciidanka isticmaaleen awood xaddhaaf ah .Wararka ugu danbeeyey ee soo gaaraya Halgan. net ayaa sheegaya in gaariga iyo raggii  saarnaa maxaabiis ahaan loo geeyey magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay madaxda Puntlland waxaana ciidamada Daraawiishta ay adkeeyeen dhamaan bara Kontoroolada ee laga soo galo goballada Puntland iyaga oo ka hortagaya in wax hub ah lala soo galo magaalada Garoowe oo ay ka dhici doonto doorashada Puntland.

Musharaxiin badan ayaa isku soo taagay loolanka madaxweynanimada Puntland waxaana doorashada sanadkan ay noqon doontaa mid adag oo si weyn loola looltamo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole ee xilkiisu uu ka harsan yahay wax yar.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online