Ciidanka Maamulka Jubba oo howlgalo ka sameeyey magaalada Kismaayo
November 11, 2013 - Written by EditorKismaayo:-Waxaa xalay iyo saaka howlgalo ay ka sameeyey magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose ciidanka amaanka ee Maamulka KMG ee Jubba waxayna gacanta ku soo dhigeen afar dhalinyaro ah oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab kuwaas oo falal amni darro ah ka waday gudah magaalada Kismaayo.
Sarkaal u hadlay Maamulka KMG ee Jubba ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in ay gacanta ku dhigeen afar dhalinyaro ah oo ka tirsan kooxaha Amniyaadka Al-Shabaab kuwaas oo qorsheynayey in ay dilal qorsheysan ka geystaan xaafadda Calanley waxaana uu sheegay in lagu soo qabtay hub iyo walxaha qarxa.
Sarkaal u hadlay Maamulka KMG ee Jubba ayaa sheegay in dhalinyarada la qabtay dhawaan maxkamad la soo taagi doono. ilaa haatan ma jirto cid ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ka hadlay ragga saaka lagu qabtay gudaha magaalada Kismaayo.
Ciidanka Maamulka KMG ee Jubba ayaa shalay la wareegay Jaziirada Kudhaa oo ay horey u heysteen Al-Shabaab iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin waxaana Jaziirada Kudhaa ku sugan haatan ciidamo ka tirsan Maamulka KMG ee Jubba iyo ciidamo ka tirsan AMISOM.
Cabdi Yare
Kismaayo