Ciidanka maamulka KMG ah Jubb oo Kismaayo ku qabtay labo nin oo Ajnabi ah

November 26, 2013 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Ciidanka maamulka KMG ah Jubba ayaa waxaa ay qabteen labo nin oo ajnabi ah xili ay ku sugnaayeen dekkada magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose, ciidanka maamulka Jubba ayaa waxaa ay uga shakisan yhiin in labadaan nin ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab. Sarkaal u hadlay maamulka KMG ee Jubba Sh.Maxamuud Qaalib ayaa saxaafada u sheegay in la hayo labo nin oo ajnabi ah oo si sharci daro ah ku soo galay magaalada Kismaayo waxaan  lagu qabtay buu yiri Dekkada weyn ee Kismaayo waxaan ku socda weli baaritaan.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in labadaan nin lagu wareejiyey ciidanka dalka Kenya ee ku howl gala magac AMISOM iyadoo arrinka loo sababeeyey in labadaan nin ay magaalada Kismaayo ka soo galeen dhinac xeebta gaar ahaan magaalada Mombaza ee dalka Kenya.

Ilaa hadda ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka Kenya oo la xiriira labad nin ee ay cidanka maamulka KMG Jubba ay ku wareejiyeen si loogu sameeyo baaritaan halka ay ka yimaadeen iyo in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-shabaab ama Al-qaacida.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online