Ciidanka Maamulka KMG ee Jubba oo la wareegay Jaziirada Kudhaa (Dhageyso)
November 10, 2013 - Written by EditorKudhaa:-Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa la wareegay gacan ku heynta Jaziirada Kudhaa oo iyada oo aan wax dagaala ka dhicin halkaas oo ay horey ugu sugnaayeen kooxda Al-Shabaab.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba Cabdinaasir seeraar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay ciidankoodu la wareegeen Kudhaa waxaana uu sheegay in Al-Shabaab isaga carareen jaziirada Kudhaa.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba Cabdinaasir Seeraar ayaa waxaa kale uu sheegay in howlgalo ay sameeyeen ay hub ku qabteen Al-Shabaab isaga oo xusay in dib u heshiiseen socoto beelaha gobalka degan gudina loo saaray arinkaas.
Dhanka kale Cabdinaasir Seeraar ayaa ka hadlay heshiiska Maamulka Juba uu ku soo gaaray magaalada Muqdisho waxaana uu qiray in ay socdaan sidii loo fulin lahaa qodobadii ay ku heshiiyeen Maamulka KMG ee Juba iyo DFS.
Wararka ugu danbeeyey ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan AMISOM ay gaareen galabta Jazeera Kudhaa .
Hoos ka Dhageyso Wareysi uu Cabdinaasir Seeraar siiyey Idaacada Radio Daljir
Cabdi Yare
Kismaayo