C/Laahi C/Qani Qorane oo Xifdiyey qu,aanka Kariimka xafladna loo qabtay (Masawiro)

November 10, 2013 - Written by Editor

1Garoowe:-Galabnimadii  khamiista ayaa masjidka Xaaji Cali ee magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay xaflad lagu maamuusayo xaafidka da’da yarta ee C/Laahi C/Qani Qorane oo dhameeyey qu,aanka Kariimka .

Rixladii Qur’aan barashada ee uu C/Laahi usoo galay xafidaadda Qur’aanka ayaa soo bilaabatay muddo haatan laga joogo dhowr sanadood. Intii uu C/Laahi ku jiray rixladaas wuxuu ka faa’iideystay macallimiin badan oo uu ninba qeyb kamid ah Qur’aanka iyo qeybo kamid ah diinta iyo luqadda carabiga ka bartay.

29 Dilxijjah 1434H oo ku beegneyd 3/11/2013 ayuu C/Laahi ka baxay casharkii ugu dambeeyay suuratulbaqarah iyo suuratul-faatixa.

Shalay oo ay aheyd 4 Muxarram 1435 H oo ku beegneyd 07/11/2013 waxaa masjidka X. Cali Majeerteen ee ku yaal magaalada Garoowe, ayna ku taal madrasadii uu C/Laahi Qur’aanka ku dhammeeyay loogu qabtay xaflad si heersare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeyb galeen culimaa’uddiin, isimo, ganacsato, qeyb kamid ah waalidiinta ardeyda dugsiga X. Cali iyo ardaydii ay wax wada baranayeen C/Laahi.

Waxaa xafladda aayado Qur’aan ah ku furay xaafidka cusub C/Qani Qorane oo halkaa ka akhriyay aayado kamid ah suuratulbaqarah. Kadib waxaa xafladda ka hadlay dad badan oo ay kamid ahaayeen Sh. Maxamuud X. Yuusuf, Sh. C/Razzaaq Aldahabi, Suldaan Zubayr, Xaaji Cawiif, Macallin Maxamed C/Raxmaan, Macallin C/Kariim Daahir iyo Sh. Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha mu’assasada Alminhaaj faraca Nugaal.
Dhammaan culimadii iyo mas’uuliyiintii hadlay ayaa aad u bogaadiyay dhiirrigaliyayna brashada Qur’aanka iyo carruurta lagu dhiirrigaliyo barashada qur’aanka kariimka ah, markii ay ka gaaraan heerkii laga rabayna loo sameeyo xaflado iyo munaasabado looga gol leeyahay in lasii jecleysiiyo barashada Qur’aanka iyo ku dhaqankiisa.

no images were found

Xafladda ayaa kusoo gabagabowday jawi farxadeed oo aad u qurux badan.Waxaan Alle u weydiineynaa macallimiintii Cabdalle wax soo bartay ee juhdigooda galiyay in uu kalaamka Alle barto inuu jannatulfirdawsa ugu abaalgudo, Cabdallena uu ka dhigo ubad saalix, muslix ah diinta Allena u adeega, is anfaca, dad iyo dalna anfaca.

Halgan.net
Garoowe

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online