Culimo uu horkacay Sh.Maxamuud Xaaji Yusuf oo saakay booqday Dugsiga Sare Al-waaxa

November 25, 2013 - Written by Editor

DSC01833Garoowe:-Shiikh.Maxamud Xaaji Yuusuf ayaa saaka waxaa booqasho ay ku tageen Dugsiga sare ee Al- waax si ay masuuliyiinta iyo Ardaydaba uga soo mahad celiyaan gurmadka ay u fidiyeen walaalahood dhibku gaaray. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa waxaa uu ku dheeraaday taariikhda Schooka Al-waaxa kuna sifeeyay in schoolku hogaanka uqabtay  hagaajinta in badan oo ka mid ah dhalinta Puntlad  ku nool ugu danbayn tiina sababay in ilaah kuciseeyay dadaalka diinta iyo u gar gaarida cid walba oo baahan oo islaam ah.

Waxaa kaloo sheekhu kudheeraaday dardaaran saamayn weyn ku yeeshay dhamaan ardaydii iyo macalimiintii kusugnaa barxada weyn ee alwaxa, waxaana Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf kamid ahaa dardaaran kiisa oo u muuqda dardaaran qiiro xanbaarsan , ka dib markii uu xasuu siyay ardayda in sababtii lagudilay Shahiid Sheekh Cabdulqadir Nuur Farax  ahayd  in aysan soobixin dad mabda  sax ah xanbaarsan waxaana sheekhu yiri in cadowgu kaxunyahay sharafta iyo qiima aad kudhaxleedihiin bulshada.

Waxaa kale oo kamid ahaa dardaarankiisa sheekhu markuudhintay waxaad  balankuqaadeen in aad booskii Shiikh.Cabdulqaadir Nuur Faarax badalaysaan  isagoo sheekhu xusan in markaan dhagaystay balan qaadkaas   si aada iifarxad galisay. Ugu danbayntii ayaa Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo waftigii uu hogaaminayay oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha minhaaj Maxamed Cali Axmed  lagu wareejiyay lacagtii ardayda alwaaxa ugu talagashay gurmad ay usameeyeen walaalahood dhibku ka soo gaaray  duufaantii lacagtaas oo dhan $570 ugana mahadceliyay culimada dadaalka ay ugu jiraan gurmadka sidii wax lagu gaarsiin lahaa  dadka dhibaatadu ku dhacday waxayna  balan qaadeen in dardaaranka Sh. Maxamuud iyo culimadii ka horeysaysay qaadanayaan Schoolka al waaxa na uu noqon doono  xarun saldhig u noqota wax barashada.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online