Culimo’udiin iyo Kalkaaliyaal caafimaad iyo safarkoodii deegaanada ay duufaanadu ku dhufteen (Masawiro)

November 20, 2013 - Written by Editor

4Garoowe:-Kormeer qaatay afar maalmood oo ay deegaannadii ay aafayseen roobabkii dabaylaha watay ee dad iyo duunyaba wax yeeleeyay ay ku tageen guddi uu hogaaminayey Guddoomiyaha Mu’asasada AL-minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta ustaad Maxamed Maxamuud ciise, ayna ka mid ahaayeen Culumaa’u diin, ganacsato, aqoon yahanno iyo kalkaaliyaal caafimaad ayaa intay halkaa marayeen , waxay kormeer ku sameeyeen deegaanadii ay roobabka iyo dabaylaha iswata ay saameeyeen, iyagoo gargaar caafimaad iyo taakulo dhaqaale iyo mid cunaba ufidiyay dadkay saamaysay duufaantu.

Culumo’udiin, ducaad ay ka mid yihiin Sh.Axmed Daahir Xassan iyo Sh.Daahir Aw Cabdi allaha dhowree ayaa kormeer ku maray dhul masaafihiisu uu gaarayo ilaa 80 KM waxaan ay la kulmeen dadkii dhibaatadu ka dhacday iyagoo sababsiiyey gaarsiiyeyna wixii gurmad ah oo ay wadeen.Baaq culumada ayaa waxaa si weyn uga jawaabay dhamaan bulshada Soomaaliyeed meel walba ay joogeen waxaana ay dadweynaha Soomaaliyeed si hagar la’aan ah u garab istaageen walaalahood ay dhibta ku dhacaday .

Dhibaatada ka jirta deegaanada ay duufaanada ku dhufteen ma aha kaliya guryo iyo xoolo badhtiyey balse waxaa laga baqayaa in ay cudurada faafa ay ka dilaacaan deegaaanada ay ku dhufteen roobabka duufaanada watay. Mu’asasada AL-minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta oo kaashaneysa culumada iyo waxgaradka Puntland ayaa dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad u diray.
deegaanada duufaanta ka dhacday.

no images were found

Halgan.net
Boosaaso

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online