Culimo’udiinka degaanada Puntland oo caawa dib ugu soo noqday degaanka Dangorayo
November 17, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Culimo’udiinka degaanada Puntland iyo ducaada ayaa weli ku sugan degaanka Qarxis iyo Ceelmadoobe waxaan ay isku qaybiyeen dhow Team oo u kala jihaystey tuulooyin dhowr ah iyagoo ilaa hadd qaybiyey qaybtii koowaad ee gurmadka ay ka soo aruuriyeen bulshada Soomaaliyeed ee ku nool degaanada Puntland iyo tabarucaad ay soo gaarsiiyeen jaaliyaadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa.
Shabakadda wararka Halgan.net oo uu u waramay Sh Maxamuud Xaaj Yuusuf isagoo ku sugan magaalada Garoowe ayaa waxaa uu noo sheegay in culimo iyo ducaad ay weli ku maqan yihiin gurmadka ay u qaybi nayaan dadka ay soo gaartay dhibaatadu waxaan ay ilaa hadda u qaybiyeen Bur, sonkor , Teendhooyin, bariis iyo agab kale oo saarnaa ilaa 3 gaari oo kuwa xamuulka ah.
Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa ii sheegay in uu xogtaas ka hellay culimada uu hogaaminayo Sh axmed Daahir iyo Sh Daahir Aw cabdi oo mudo labo habeen ah u hayda tuulooyinka ay roobabku dabayluha wata ay ku dhufteen waxaan kale oo uu ii sheegay in ay jiraan dhowr team oo ay kala hogaaminayaan Cabdi Axmed Maxamed Gudoomiyaha Tawakal ee gobolka Nugaal iyo Shiikh Jaamac Siciid oo isagu ku sugan meel u jirta Tuulada Qarxis ilaa 40 KM.
Culimada ayaa xalay u hoyda degaanka Ceel madoobe 50 KM kaga beegan dhinac waqooyi bari degaanka Qarxis, culimada ayaa waxaa ay degaankaas kula kulmeen dad badan oo ay xoolahoodu dhinteen waxaan ay indhaha saareen nin ilaa 900 oo ari ah ku waayey roobabkii dabaylaha watay ee ka da’ayey degaano ka tirsan Gobolka Nugaal.
Waxaa xusid mudan in shaqaalaha ka tirsan wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo wasaarada caafimaadka ee Puntland ay aad uga dhex muuqdeen gurmada iyo tirakoobka ay culimadu ka wadaan degaanada ay dhibku ka dhacday.
Culimada ayaa saaka mar kale bilaabay qaybintiii 2aad ee gurmadka waxaan haddii alle idmo idiin soo gudbin doonaa warbixin waaf ah marka Teamka Iclaanku ay dib ugu soo laabtaan magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Culimada iyo ducaad ayaa caawa ku hoyanaya degaanka Dangorayo waxaan la filayaa in saxaafada ay la hadli doonaa iyagoo uga warbixin doona xaalada dhabta ah ee ay ku soo arkeen degaanada ay socdaalka ku mareen maalmihii la soo dhaafay ayna gaar siiyeen gurmad kale duwan.
Halgan.net