Culimo’udiinka ka yimid Uganda oo deeq lacageed sidday oo gaaray Garoowe
November 20, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa caawa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal wafdi culimo iyo ducaad ah kuwaas oo ka soo kicitimay dalka Uganda si ay tabarucaad iyo deeq lacageed oo ay Jaaliyad Soomaaliyeed ee dalka Uganda ugu deeqeen dadkii walaalahood ahaa ee dhibaatadu ka soo gaartay roobabkii watay dabaylaha iyo duufaanta ee ka dhacay degaano ka tirsan Puntland.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ayaa ka mid ah jaaliyaadka ugu horeeyey ee si hagar la’aan ah uga qayb qaatay gurmadka loo fidinayey dadka dhibku gaartay, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda oo ay horkacayaa culimada ayaa aruuriyey deeq lacageed oo dhan ilaa 60.000 dollar.
Culimada ayaa maanta waxaa ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf axmed ee magaalada Gaalkacyo , waxaan culimada ka yimid dalka Uganda ka mid ah Sheekh Maxamed C/Casiis Ducaale iyo Sheekh Maxamed C/wali C/laahi oo iyagu isla maanta u soo gudbeen magaalada Garoowe iyadoo culimada magaalada oo uu hogaaminayo Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf ay ku soo dhaweeyeen duleedka magaalada Garoowe.
Culimada iyo ducaada ka yimid dalka Uganda ayaa waxaa la filayaa in deeq lacageed ay ku wareejiyaan gudiga gurmadmka culimada dhawaan haddii alle idmo.
M_M_Deeq
Halgan.net