Culimo’udiin ku baaqay in gurmad loo fidiyo dadkii ku waxyeeloobay Daadad iyo Duufaano ka dhacay Puntland.[Masawiro]

November 11, 2013 - Written by Editor

DSC00180Boosaaso:-Qaar ka mid ah Culimada ku nool Puntland ayaa waxa ay u istaageen gurmad loo fidinayo dadwayne reermiyi u badan oo ay saamayn ku yeesheen Roobab da’ayay 48dii saac ee la soo dhaafay ilaa iyo haatanna socda deegaanada Puntland.Culimada ayaa waxaa ay shacabka ku booriyeen inay waxtaraan dadkaasi islamarkaana ay baajiyaan cuntadii ay Bari quudan lahaayeen booskeedana ay dadkaasi wax ku taraan.

Sh.Axmed Daahir Xasan oo kamid ahaa Culimadii halkaasi ka hadlay ayaa  ka warbixiyay dhibaatada dadkaasi gaartay inta ay le’ egtahay ayaa waxaa uu sheegay in reero meel iskugu keenay Xoolohoodi aysan waxba ka harin daadad soo rogmay awgood waxaana intaasi uu ku daray wararka uu helayo inay tilmaamayaan dhimashadu dhanka Nugaal inay gaarayso boqol Qof meelo kalena dhawr iyo labaatan ay ku geeriyoodeen.

Dhanka kale Sh.Daahir Aw Cabdi ayaa isaguna waxaa uu sheegay isgaarsiintu inay go’antahay dhibaataduna ay saamaysay Gobollada Nugaal iyo Bari waxaana uu sheekhu sheegay in cabsi laga qabo tirada dadka geeriyooday inay siyaado.Culimada ayaa waxaa ay cod dheer ku sheegn in Dadku ay shicaarka dhigtaan aayada ah: ومن أحياها فكأنما أحيا الناس جميعاً

Waxaana ay intaasi ku dareen in qof walba waxa uu awoodo uu bixiyo hadday ahaan lahayd wax laquuto oo bisil ama la quudan karo maadaama dadku aysan dab shidan roobka da’aya awgiis.

Dadwaynaha ayaa waxaa ay durba ka jawaabeen Codkaasi iyo Qayla dhaanta kasoo yeertay Culimada waxaana ay ku deeqeen alaabo kala duwan waxaana kamid Bustayaal Raashin Timir dhar iyo lacago cadaan ah , waxaana kamid ah Shirkadihii ka qayb qaatay shirkadaha Bulsho Rasmi Golis Amal iyo kuwo kale.

Dadka ayaa waxaa ay ku dhibaataysanyihiin Buuraha Korkooda kadib markii meelaha hoose ay uga carareen Daadad xoogan oo kusoo rogmay waxaana iskugu darmay Roob , Dabayl iyo Qabow waxaana ay baahi aad ah u qabaan Gurmad ay lasoo gaaraan Walaalohooda wax haysta ee ka naxaya.

Cali Cabdi Awaare oo ah Musharax Madaxnimada Puntland oo lasoo xariiray Culimada kana qayb qaatay Gurmadka ayaa waxaana uu Musharixiinta kale ku booriyay inay ka qayb qaataan Gurmadaasi .

Sikastaba ha ahaatee Gurmadkaani ay bilaabeen Culimada ayaa waxaa uu soconayaa ilaa Maalmaha soo aadan waxaana Walaalaha raba inay ka qayb qaataan Gurmadkaani dal iyo dibadba ay kusoo aadin  karaan tabarucaadkooda Xawaaladaha Dalka gaar ahaan Bosaso iyagoo kusoo qoraya Magacyada Culimada kala ah:-

no images were found

Sh.Daahir Aw Cabdi +252907726104

Sh.Axmed Daahir Xasan +252907722229

Sh.Faarax Maxamed Cajab +252907799914

Sh.Axmed Yuusuf Daad +252907793171

Sh.Axmed Faarax Garaase +252907765212

Ama A/C Sahal 401905

Musasat Al-Minhaaj
Boosaaso

Leave a comment

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online