Culumada oo caawa ka warbixiyey goobihii duufaanada ay ku dhufteen oo ay gaareen.[Masawiro]

November 19, 2013 - Written by Editor

DSC_0124Boosaaso:-Kormeer qaatay afar maalmood oo ay deegaannadii ay aafaysay roobabkii dabaylaha watay ee dad iyo duubyaba halaagay ku tageen guddi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Mu’asasada AL-minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta, ayna ka mid ahaayeen Culumaa’u diin, ganacsato iyo aqoon yahanno ayaa caawa waxaa ay ku soo bandhigay warbixintiisii socdaalkooda Masjidka Al- Rowada ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Sh.Daahir aw Cabdi oo ku dheeraaday dhibaatada ay ku soo arkeen goobihii ay musiibadu ka dhacday wuxuuna sheegay sheekhu in ay dadkaasi u baahan yihiin taakulo iyo dib u dejin.Waxaa sidoo kale ka hadlay Gen.Cali Ismaaciil, wuxuuna ka war bixiyay siduu u ekaa dhulkay soo mareen iyo baaxadda dhibaatada saamaysay dhul kaas. Gabagabadii ayaa guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta, Ustaad Maxamed Maxamuud Ciise waxa uusoo bandhigay warbixin ku aadan kormeerka ay ku soo sameeyeen deegaandaas iyo muuqaalo ay ka soo qaadeen deegaanada ay soomareen.

Warbixin ayaa waxaa loo soo bandhigay sida soo socota

1. Waxaalagu qiyaasayaa Baaxada Dhulka Masiibadu saamaysay (100*100)KM.

2. Dabeecada dhulku waa dhul banaan oo dooxooyin u badan.

3. Xuduudaha Dhulka waxaa laga arki karaa Shaxda Hoos.

Magacyada goobaha dhacdada

1. Tebin 2. Xoola keen 3. Xajiin 4. Ceel madoobe 5. Raqraq 6. Geed yeeyaad 7. Jiic buul 8. Dar reer same 9. Balli shillin 10. Lo’ fadhi 11. Yamaar suud 12. Murcanyo 13. Geel haareen 14. Sarmaan 15. Garangar 16. Goray ku dhal 17. Lebi cadaad 18. Dhir waraabe 19. Isku shub 20. Berda sheel 21. banxaax

Baaxada Khasaaraha Dhacay

1. Qoysaska Dhibta Ugu darni ku dhacday waa: 2100 qoys qiyaas ahaan . 2. Tirada guud ee xoolaha dhintay qiyaas ahaan waa: 1,201,200 neef, oo la mid ah Boqoley ahaan : 89%. 3. Waxaa jira dhimasho beriga iyo badba meelo kale oo weli war ku dhiman yahayna waa jiraan).

Gurmadka gaaray Qiyaas ahaan waa 275 Tan oo kala ahaa labo mar:-

1. Qaybtii 1aad oo gaartay maalintii labaad ee dhacdadda waxay ahayd ilaa 77 Tan oo gurmad ah 2.Qaybta 2aad oo gaartay 16-17/11/2012 waxay ugu yaraan gaaraysay 189 Tan , 3.180  Neef oo Ari ah oo keeneen Eyl Baraha gurmadka Waxaa loo sameeyay dadkii ku dhibaatoobay daadadkaas dabaylaha wata 12 barood oo loogu soo hagaago gurmadka, 6 barood oo kamid ahna waxaa lagu wareejiyay maamulkooda Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta, waxayna kala yihiin barahaas: 1. Dhegato 2. baarwayn 3. Isku shub 4. Xoola keen 5. Lebi cadaad 6. Ceel madoobe 7. Laasoo xajiimo 8. Balli shillin 9. Finley 10. Qarxis 11. Qureexaani 12. kabaal

Gabagabadii warbixinta ayaa guddigu wuxuu soo jeediyay baaq iyo qaylo-dhaan ku saabsan baahiyo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, waxayna ahaayeen baahiyuhu sidaan: 1. Baahida Xoolayneed/Xoolo-Goyn 2. Baahida Biyood (CEEL MADOOBE (TUUBOOYIN, DAYNABO, FIILOOYIN) o MARAYA (TUUBOOYIN, DAYNABO, FIILOOYIN) o KABAAL (TUUBOOYIN, DAYNABO, FIILOOYIN) o GARMAAL (TUUBOOYIN, DAYNABO, FIILOOYIN) 3. Baahida Caafimaad (Mid DAD, MID XOLAAD IYO MID DHULEED)

no images were found


Mu’asasada AL-minhaaj
ee Dacwada iyo Hormarinta

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online