Dab xoogan oo ka kacay garaash ku yaal Isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho
November 28, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Dab uu ka kacay goob lagu iibiyo shidaalka iyo baabuurta yar-yar oo ku taalla KM4 ee magaalada Muqdisho waxaana uu Dabku geystay khasaaro hantiyadeed oo aad u badan.
Dabka ayaa waxaa u ku fidiyay dhismayaal badan oo ku dhow geerish lagu iibin jiray shidaalka iyo gawaarida yaryar wuxuuna ku yaalaa Isgoyska Km4.Gaadiidka dab damiska ee gobolka Banaadir ayaa wada dadaal ay ku daminayaa dabka ka kacay deegaanka KM4 .Waxaa sidoo kale goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM si ay uga hor-tagaan in dhac loo geysto geerashka uu Dabka ka kacay .
Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in garaashka dhexdiisa ay ku jiraa dad kuwaasi oo laga baqayo in ay ku dhintaan dabka oo si weyn u faafaya .
A/Cawale
Halgan.net