Dambi kuugu filan inaad duugto maankaaga W/Q Sheekh Cabdi Qani Qorane
November 8, 2013 - Written by EditorBoosaaso:-Mahad oo dhan alle baa leh nabadgalyo iyo naxariisna waxay u sugnaatay nabigeen Maxamed صلي الله عليه وسلم intaa ka dib Dadka iyo duunyada waxa kala duwa waa caqliga. Haddii caqligu shaqeyn waayo qofku wuxuu kusoo oodmaa in uu ku kaaftoomo adeegsiga dareemayaasha shanta ah, wuxuuna noqdaa indha ku garaadle, aanan qiyaasi karin jabaqda ay dhegtiisu maqasho, jeer uu indhihiisa kaga arkayo.
Qofku habdhaqankaas wuxuu wadaag kula noqdaa xoolaha maxaa yeelay, xooluhu dareenkooda wey ku fahmi karaan in ay ka leexdaan dabka, geedaha, halista iyo wixii ur silloon leh iyo inaysan daaqin wixii leh dhadhan qalaad.
Qofkii Aadanaha ahaa ee Alle caleema saaray una abuuray dhammaan waxa arlada saaran, haddii uu heerkaas hoose kusoo dhaco, inta badan halkaa liidata kuma joogsado ee haadaanta ayuu hoos ugu siibtaa, xoolaha ayuuna ka daraja hoos maraa, maxaa yeelay xoolaha waa la manaafacaadsadaa,So’ iyo Saan, Laf iyo Lud, Dhuux iyo Dhogor wixii ay leeyihiinba waa lagu intifaacaa, hase yeeshee kii ina Aadam ahaa ee darajadii Ilaahay siiyay iska casilay intaa midna looguma baxsado, waxtar kalena daaye dhibka ka dhasha garaadxumadiisa ayaa mashaqa lagala kulmaa, xal u raadinteedana lagu mashquulaa.
Waxaa taa u tusaale ah qofkii Alle darajeeyay ee diin iyo dastuur nololeed la siiyay, loona bidhaamiyay haddii uu dadaalo, inuu gaari karo darajo ka sarreysa tan malaa’igta oo halkii uu diin raac ka noqon lahaa ku qanca in uu noqdo hawo raac, ay naftu u hagto hadba halkii uu halaaggu ka dhow yahay, kadibna uu hankiisa xun ka tuuro haadaan Jahannama ku foorarta.
Midka dadkiisii oo tacluus iyo tabaaleysnaan la ildaran halkii uu tabantaabin lahaa intii karaankiisa ah, waxtar uga dhigay wixii u badbaadday in uu ka dabageeyo intii luntay, wixii uu ka gaarana gam ka siiya isagoo waliba iska dhigaya in dilka iyo dibindaabyada dadkiisa ay dantooda ku jirto isaguna uu dantooda ugu maqan yahay, una leynayo Alle dartiisna, si uu dhammaan aakhiro isugu geeyo.
Midka dambi kasta oo uu galo, arko ama maqlo usoo tabinaya bulshada si loo waayo wax dhaqan, xagna iska dhiga sidii qof wax wanaagsan soo kordhiyay, isagoo moog cudurrada halista ah ee la isqaadsiiyo inaan lagula soo guryo noqon aqalkaaga maxaa yeelay hadday musiibo ku qabsato Allaa la maciinsadaa ee lama weydiisto Murrug-maarrug.
W/Q Sheekh Cabdi Qani Qorane