Dawro Tacliin ah loo qabtay Maamulayaasha iyo Macalimiinta Macaahidda gobolka Cayn(Masawiro)
November 2, 2013 - Written by EditorBuuhoodle:-Magaalada Buuhoodle ayaa lagu qabtay aqoon isweydaarsi ay soo qaban qaabisay muassasada Dacwiga ah ee Al-Karam qaybteeda gobolka sool.Siminaarkan oo soconaya mudo sadex maalmood ah ayaa loo qabtay macalimiinta wax ka dhiga Machaa’ida diiniga ah ee gooblka Cayn & maamulayaasha qaar kamid ah Macaah’ida.
Aqoon isweydaarsigan oo lagu qabtay hoolka Machadka Sare ee Al-furqaan Buuhoodle ayaa waxaa kasoo qayb in kabadan 40 macalin & in kabadan 10 maamule, kuwaasoo ka kala yimi Xarumo waxbarasho oo ku yaala, Buuhoodle, Widhwidh, Xamarlagixidh, Dandan, & Marqaan.
Macaahidda gudaha Buuhoodle ee ka qaybgashay siminaarka ayaa kala ahaa: ( alfurqaan buuhoodle, iyo kuwa hoostaga sida , alsuna, umu salama, alfaaruuq. khadiija, alnajaax, abuubakar alsadiiq iyo dugsiga sare ee hawd secondry school).
no images were found
Siminaarkan ayaa waxaa bixinaya Aqoon yahano caan ka ah deegaanadda Sool, Sanaag & Cayn kuwaasoo ay kamid yihiin, Sh Cabdishaafi Axmed Cali hormuudka Jaamacadda bariga Afrika qaybteedda Buuhoodle, Prof Cabdirisaaq Maxamed Aadan (Lafoole) Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood, Sh Axmed Maxamed Saleebaan, iyo Eng Jaamac Cabdilaahi Caydiid.
Macalimiinta bixinaysa aqoon isweydaarsigan ayaa sheegay in lagu baranayo arimaha Waxbarashadda,Tarbiyadda caruurta, la dhaqanka & xiriirka bulshadda, saqaafadda muassasaadka, tilmaamaha maamulaha naajixa ah, habka jeedinta muxaadarooyinka, iyo hababka wax baridda. waxaana lasoo afmeeray subaxii hore ee maalinka Jimcahaee 01/11/2013.
Iskusoo wada duubo Machaa’ida diiniga ah ee Buuhoodle ayaa mudooyinkii danbe laga dareemayaa kor u kac & horumar baaxadleh oo ay ku talaabsadeen, waxaana masuuliyiinta xarumahaas maamulaa sheegeen inay sii laba jibaarayaan dadaalkoodda.
Muassasada Dacwiga ah ee Al-Karam qaybteeda gobolka sool.
Halgan.net