Dawro Tacliin ah loo qabtay Maamulayaasha iyo Macalimiinta Macaahidda gobolka Cayn‏(Masawiro)

November 2, 2013 - Written by Editor

DSC09995Buuhoodle:-Magaalada Buuhoodle ayaa lagu qabtay aqoon isweydaarsi ay soo qaban qaabisay muassasada  Dacwiga ah ee Al-Karam qaybteeda gobolka sool.Siminaarkan oo soconaya mudo sadex maalmood ah ayaa loo qabtay macalimiinta wax ka dhiga Machaa’ida diiniga ah ee gooblka Cayn & maamulayaasha qaar kamid ah Macaah’ida.

Aqoon isweydaarsigan oo lagu qabtay hoolka Machadka Sare ee Al-furqaan Buuhoodle ayaa waxaa kasoo qayb in kabadan 40 macalin & in kabadan 10 maamule, kuwaasoo ka kala yimi Xarumo waxbarasho oo ku yaala, Buuhoodle, Widhwidh, Xamarlagixidh, Dandan, & Marqaan.

Macaahidda gudaha Buuhoodle ee ka qaybgashay siminaarka ayaa kala ahaa: ( alfurqaan buuhoodle, iyo kuwa hoostaga sida , alsuna, umu salama, alfaaruuq. khadiija, alnajaax, abuubakar alsadiiq iyo dugsiga sare ee hawd secondry school).

no images were found

Siminaarkan ayaa waxaa bixinaya Aqoon yahano caan ka ah deegaanadda Sool, Sanaag & Cayn kuwaasoo ay kamid yihiin,  Sh Cabdishaafi Axmed Cali hormuudka Jaamacadda bariga Afrika qaybteedda Buuhoodle, Prof Cabdirisaaq Maxamed Aadan (Lafoole) Gudoomiyaha Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood, Sh Axmed Maxamed Saleebaan, iyo Eng Jaamac Cabdilaahi Caydiid.

Macalimiinta bixinaysa aqoon isweydaarsigan ayaa sheegay in lagu baranayo arimaha Waxbarashadda,Tarbiyadda caruurta, la dhaqanka & xiriirka bulshadda, saqaafadda muassasaadka, tilmaamaha maamulaha naajixa ah, habka jeedinta muxaadarooyinka, iyo hababka wax baridda. waxaana  lasoo afmeeray subaxii hore ee maalinka Jimcahaee 01/11/2013.

Iskusoo wada duubo Machaa’ida diiniga ah ee Buuhoodle ayaa mudooyinkii danbe laga dareemayaa kor u kac & horumar baaxadleh oo ay ku talaabsadeen, waxaana masuuliyiinta xarumahaas maamulaa sheegeen inay sii laba jibaarayaan dadaalkoodda.

Muassasada  Dacwiga ah ee Al-Karam qaybteeda gobolka sool.
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online