Doodii Mooshinkii ka dhanka ahaa Xukuumada Saacid oo dib loo dhigay maalinta Birito ah

November 30, 2013 - Written by Editor

baarlamaanMuqdisho:-Gudoonka Baarlamaanka DFS ayaa maanta mar kale dib u dhigay in laga doodo mooshinka ka dhanka ah xukuumada Raisulwasaaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdon Saacid

Gudoonka ayaa dib u dhigay maalinta birito ah mooshinka laga soo gudbiyey xukuumada Raisulwasaare Saacid ka dib markii laga akhriyey baarlamaanka DFS xildhibaanada soo gudbiyey Mooshinka

Kulanka Baarlamaanka DFS ayaa waxaa soo xaadiray xildhibaano ka badan 2oo oo xildhibaan waxaana taageerayaasha Raisulwasaare saacid ay codsadeen in dib loo dhigo mooshinka si ay u soo akhriyaan waxyaabaha lagu eedeeeyey xukuumada iyo xildhibaanada ku saxiixan.

Kulanka ayaa waxaa furay guddoomiyaha baarlamaanka DFS  Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari wuxuuna ugu baaqay xildhibaanada in ay ajandaha ka doodaan oo ay xilkooda u gutaan si ay alle ka cabsi ku dheehan tahay.

Kooramka Xildhibaanada Baarlamaanka DFS ayaa waxaa soo xaadiray 248 xildhibaan ,waxaana mooshin ka dhan ah xukuumada soo gudbiyey 165xildhibaan sida uu gudoonka baarlamaanka xaqiijiyey.

Ugu dambeyntii ayaa  guddoonka baarlamaanka DFS soo xiray doodi mooshinka waxaana uu sheegay in maalinta  berrito laga doodi doono mooshinka laga keenay xukuumada Raisulwasaare Saacid.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online