Dowlada Puntland oo ka hadashay weerarkii xalay lagu qaaday Xabsiga Boosaaso (Dhageyso)

November 9, 2013 - Written by Editor

GacameyBoosaaso:-Wasaarada Amniga ee Puntland ayaa saaka waxay ka hadashay weerar xalay lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, kaas oo dhaliyey khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac waxaana ku dhintay  taliye xigeenkii xabsiga.

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga ee Puntland Col.Cabdicasiis siciid Gacamey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen 30 ilaa 40 dhalinyaro ah Al-Shabaab ah kuwaaas oo doonayey in xabsiga ay ka sii daayeen rag Al-Shabaab oo ku xiran balse kuma ay guuleysan.

Col. Gacamey ayaa sidoo kale sheegay in weerarka uu Mataano la ahaa weerarkii lagu qaaday Maka Al-mukarama oo ay ku dhinteen 6 qof 15 kalana ay ku dhaawacmeen.

Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga ee Puntland Col. Gacamey ayaa sheegay in hub iyo walxaha qarxa ay ka carareen kooxda Al-Shabaab wuxuuna intaas raaciyey in ciidanka Puntland ay ku baxeen kooxda weerarka soo qaaday.

Xaaladda magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa maanta dagan, kadib weerar xalay lagu qaaday xabsiga dhexe ee magaalada Bosaaso mana jirto saamayn weeraradaasi ay ku yeesheen amaanka iyo Ganacsiga magaalada Boosaaso.

Hoos ka Dhageyso Wasiir ku xigeenka wasaarada amniga ee Puntland  Col.Gacamey oo shirjaraa,id ku qabtay Garoowe

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online