Gabdhaha wax ka barta Macaahida iyo jaamacadda Buuhoodle oo aasaasay Urur Gabdho.[Masawiro]

November 5, 2013 - Written by Editor

DSC00138Buuhoodle:-Gabdhaha wax ka barta Machadka sare ee Al-furqaan Buuhoodle iyo Macaahidda sharciga ah ee hoostaga iyo weliba kuliyadda shareecada ee Jaamacadda bariga Afrika faraceeda Buuhoodle ayaa samay stay (multaqaa daalibaat buuhoodle) kulanka ardayda gabdhaha ah ee Buuhoodle.

xaflad heer sare ah ayaa loogu walqalay ururka taasoo ka dhacday xarunta machadka Ummu-salama ee Buuhoodle, waxaana munaasabadaa ka soo qayb galay maamulaha Mu,assasada dacawiga ah ee Al-karam ee gobolka Sool Sh.axmed maxamed sulaymaan , maamulaha muassasada alkaram markazka Buuhoodle Shiikh c/casiis ismaaciil garaad soofe maamulayaasha macaahidda gobolka cayn, maamulaha jaamacadda bariga afrika faraca buuhoodle Shiikh c/shaafi axmed cali macalimiinta jaamacadda bariga afrika, gudoomiyaha jaamacadda nugaal ee laascaanood Prof c/risaaq lafoole, culimada gobolka cayn oo uu ugu horeeyo Shiikh c/rashiid x/samatar ururada haweenka, arday badan, cuqaal nabadoonoo iyo dhamaan indheer garadka Buuhoodle.

Ururkan oo ay ku midaysan yihiin gabdhaha wax ka barta Jaamacadda & macaahidda kala  duwan ee magaalada Buuhoodle ayaa loo asaasay sidii kor loogu qaadi lahaa tacliinta haweenka ee dhanka diiniga & maadigaba. Xamdi Cabdirisaaq oo gudoomiye ka ah ururkan ayaa ka warantay mabaadida aasaasiga ah ee ururkan, iyadoo sheegtay in ururkan loo dhisay horumarinta waxbarashada haweenka gobolka Cayn.

no images were found

Farxiya Maxamed X Cumar oo kamid ah aasaasayaasha ururkan ayaa waxgaradkii & culimadii kasoo qaybgalay munaasibadda ugu baaqday inay kala taliyaan waxyaabaha ururkan loo dhisay. Hormuudka Jaamacadda Nugaal Universty ee magaalada Laascaanood Prof Cabdirsaaq Maxamed Aadan, Lafoole, & Dr Cabdishaafi Axmmed Cali oo ah hormuudka Jaamacadda Afrikadda Bari Faraceedda Buuhoodle ayaa dhankooda aad u taageeray ururka gabdhaha ardayda ah ee Buuhoodle.

Ugu danbayn waxaa munaasabadda soo xidhay madaxda dacwada Shiikh Axmed Maxamed Saleebaan iyo Sh.c/casiis Ismaaciil Garaad Soofe, waxayna kusoo gabagabawdey jawi aad u qurux badan.Si kastaba ha ahaatee ururkan ay ku midoobeen gabdhaha wax ka barta Jaamacadda & macaahidda gobolka cayn ayaa kusoo beegmay xili waxbarashada haweenka Soomaaliya oodhan baahi weyn loo qabo gaar ahaan dhinaca diinta iyo akhlaaqda islaamka.

Buuhoodle
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online