Gawaari gargaar waday oo galinkii dambe ee maanta ka ambabaxay magaalada Boosaaso (Masawiro+Cod)

November 13, 2013 - Written by Editor

DSC02376Boosaaso:-Waxaa maantay galinkii danbe magaalada Bosaso ka amba baxay gawaari waday deeq loogu tala galay dadkii ku waxyeeloobay duufaantii ka dhacday deegaanada Puntland qeybo ka mid ah.Gawaarida maanta ka amba baxday magaalada boosaaso ayaa gaaraysay ilaa afar gaari oo ah noocyada  waaweyn ee xamuulka qaada.Gawaaridan ayaa siday raashiin isugu jiray bur, bariis,sonkor,timir,kalluun,caano,buskut,dhar,buste , xasiigyo iyo bacaha roobka laga galo .

Deeqdaan oo ah  deeqdii ugu horeysay ee ka baxda magaalada Bosaso oo ku wajahan gobolada Nugaal iyo Karkaar inta u dhexeysa, ayaa qeyb ka ah barnaamij dadka loogu wacyi galinayay sidii ay u caawin lahaayeen walaalahooda dhibaataysan ee ka socday masjidka Al-Rowda ee magaalada Bosaso.

Gawaaridan oo inta aysan ka bixin magaalada ayaa waxaa saxaafadda u soo bandhigay Qaar kamid ah maamulka mu,asada AL-Minhaaj iyo culmaa’udiinkii ka kala qayb qaatay aruurinta tabarucaada.

Sheekh Faarax Cajab oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay deeqdan inay ugu tala galeen shacabka reer Puntland,gaar ahaan reer Bosaso dadkii ku waxyeeloobay masiibadii ku habsatay qeybo ka mid ah Puntland

Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay sheekh Daahir Aw-Cabdi oo sheegay in loo baahan yahay in loo gar-gaaro walaalaha ku dhibaataysan goobihii ka dhacday dhuufaanta,waxa uuna intaasi ku daray deeqdaan inteeda badan in ay bixiyeen shacabka reer Bosaso Allana ay uga baryayaan in uu siiyo cimri dheer iyo dambi dhaaf

no images were found

Waxaa isna ka hadlay madasha Sheekh Axmad Daahir Xasan oo sheegay in galabta ay u taagan yihiin in dadkii ku waxyeeloobay dhuufaantii iyo roobabkii mahiigaanka ahaa in aan gaarsiino afartaan gaari deeqda saaran,waxaana shacabka Soomaaliyeed ee kale looga baahan yahay in ay ka qeyb qaataan caawinaada walaalahooda dhibaataysan.

Sidoo kale Barnaamijka Gurmad ee ka socday Masaajidka wayn ee Al-Rowda ayaa caawa galay habeenkiisii sadexaad iyadoo Dadwaynuhu aysan u kala harin ka qayb qaadashada Gurmadkaasi Rag Dumar Dhalinyaro iyo Duqayb Shirkado iyo Shakhsiyaad Wadaad iyo Waranle Shaqaale iyo Xamaali intaba.

Culimada ayaa waxaa ay Bulshada ku booriyeen inay Sadaqada labaxaan maadama laga helayo Khayraad fara badan ayna muhiim tahay in Walaaluhu ay wax is taraan marka ay dhibaatadu timaado. Dadwaynaha qaar kood oo lasoo xiriiray Culimada ayaa waxaa ay sheeganayeen Baahiyo ay qabaan islamarkaana ay rabaan in Bulshada walaalohooda iyo Culimaduba ay u ducayso si baahidoodu ay dabool mato.

Hoos Ka Dhageyso Baaqa Culumada iyo Gawaari Gargaar waday oo Boosaaso ka baxday

Maamulka mu,asada AL-Minhaaj
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online