Golaha Ammaanka ee QM oo ansaxiyey in la kordhiyo Ciidamada AMISOM.[Video]

November 13, 2013 - Written by Editor

untitledMuqdisho:-Golaha Qaramada Midoobay ayaa shalay ansixiyay in la kordhiyo ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM waxaana la isku raacay in lagu kordhiyo ciidanka AMISOM ilaa 4,000 oo askari waxaana tirada ciidanka AMISOM la gaarsiin doonaa ilaa 22,000 .Golaha Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale waxaa ay isku raaceen in ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya laga taageero dhinaca qalabka iyo Loojistiga waxaana ciidamada AMISOM ee lagu kordhiyey kuwa haatan ku sugan Soomaaliya ay dalka imaan doonaan bilawga sanadka 2014.

Ciidamada DFS ayaa waxaa heysta dayac iyo dhaqaalo la,aan waxaana dalka lagu soo gurayaa ciidamo ka tirsan AMISOM si ay dhaqaalo badan ugu qaataan magaca Soomaaliya taas oo cadeyn u ah in dowladdah ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya aysan dalka la rabin nabad iyo in dalku uu yeesho dowladd.

Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa xusul duub ugu jirta siddii ay uga mid noqon lahay Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM waxaana arinkaas si cad u qeexay Ra’iisulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalagn mar uu kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto.Tirada Ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan Soomaaliya ayaan la aqoon si rasmi ah tiradooda waxayna ka kala yimaadeen wadamada Jabuuti ,Kenya.Uganda, Burundi iyo Sierra-leone

Hoos Ka Daawo The situation in Somalia – Security Council 7056th meeting

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online