Golaha Ammaanka oo Diiday Dib u Dhigista Dacwadda Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa.

November 16, 2013 - Written by Editor

QMGolaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday in dib loo dhigo muddo sannad ah dhegaysiga dacwadaha loo haysto madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa.

15ka dal ee xubnaha ka ah golaha ammaanka ayaa ku kala qaybsamay iyada oo 7 dal oo ka mid ah ay qaraarkan ogolaadeen halka 8 kalena ay ka aamuuseen.

Dalalka u ololaynayay in qaraarkan la ansixiyo ayaa ku guul daraystay inay helaan 9ka cod ee looga baahnaa xubnaha golaha ammaanka si uu go’aanka dib u dhigistu u meel maro.

Madaxweyne Kenyatta iyo ku xigeenkiisa ayaa labaduba ku eedaysan  dambiyo ka dhan ah bini aadminimada iyada oo lagu eedaynayo inay ka qayb qaateen rabshadhihii ka dambeeyay doorashadii madaxtiminada ee Kenya 2007 kuwaasi oo ay ku dhinteen in kabadan kun iyo boqol qof . Labada mas’uul ayaa iyagu diiday eedaymahaasi iyagoo iska fogeeyay dambiyada lagu eedaynayo.

Dhegaysiga dacwadda lagu haysto madaxweyne Kenyatta ayaa la qorshaynayay inay ka bilaabanto maxakamadda dambiyada caalamiga ah ee Hague horaantii todobaadkan, laakin waxaa dib loo dhigay ilaa iyo 5ta bisha February.

Qaraarkan la doonayay in dib loogu dhigo dacwadda ilaa muddo sanad ah ayaa waxaa u ololaynay midawga Africa waxaana la hordhigay golaha amaanka inkasta oo la filayay inaanu helin doonin 9ka cod ee loo baahanyahay

Danjiraha Kenya u fadhiya qaramada midoobay Macharia Kamau ayaa aad uga xumaaday natiijada codbixinta

VOA Somalia

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online