Golaha isutaga Iimaamyada ee W/Maraykanka oo lacag deeq ah ku wareejiyey Hay’addaha Haro iyo Red

November 28, 2013 - Written by Editor

c-logo1-300x286Minneapolis :-Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa xalay waxaa lagu qabtay masaajidka weyn ee Abubakar As sadiiq ee magaalad Minneapolis. Xafladaas oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha Iimaamyada &Masjid Abu-bakar.Xafladaas oo Goluhu ku wareejinayay Tabarucaadkii ay u sameeyeen Walaalahood ay ku habsatay dhibaatadii weynayd ee ka dhacday Gobollada Nugaal, Bari, Karkaar iyo Gardafu. Xafladaas ayaa Waxaa lagu gudoonsiiyay Hayadaha kala ah HARO iyo READ Lacag cadadkeedu yahay &80,000 oo dollar Lacagtaas oo ay gaarsiinayaan hayadahaas dhibanayaasha.

photo 2photo 1Xaflada ayaa waxaa ka soo qayb galay culimo,Odayaal iyo Marti sharaf faro badan waxaana halkaa hadalo wax ku ool ah ka  soo jeediyay, Gudoomiyaha guud ee Golaha Iskutaga Masaajidda ee W/Maraykanka Sh.Abdirahman Shiikh Cumar,Lacagtana Gudoonsiyaya Hay’dahaas.

Sidoo kale Waxaa isna Goobta ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga Fulinta ee Majliska Sheikh Abdullahi Abul-Fadli,sharax dheerna ka bixiyay hawshan baaxadeeda iyo siduu goluhu ugu istaagay,gurmadaka walaalaha dhibku gaaray iyo inay wali socoto hawsha gurmadka.

photo 3Sidoo kale Sh.Abdirisaq Haashi oo ah Imamka masjid Abubakar ayaa hadalo kooban oo Mahad naq ah ka jeediyay goobta,Waxaa kale oo isna hadalo soo dhawayn iyo warbixino iskugu jirto jeediyay, Gudoomiyaha Masaajidka Abubakar Shiikh Abdirashiid Bare Muse. Waxaa iyagana goobta ka hadlay odayaasha Magaalada Minneapolis Una mahad celiyay,culimada iyo dadaalkay muuji yeen.

Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta ka hadlay Sh.Ali Haji oo matalayay HARO & Sh.Bille Sugulle oo matalayay Read oo iyagana balan qaaday inay gaarsiin doonaan Amaanadan meeshii loogu talagay.

Xafiiska Dacwada iyo Iclaanka ee Golaha Isutaga Masajida
Minneapolis/Mn

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online