Guddi uu hogaaminayay Sh Cali Maxamed Saalax oo lacag ku wareejiyey Hay’adda Kafaalo
November 30, 2013 - Written by EditorOslo:-Guddi kumeel gaar ahaa oo ukucay musiibada daadadka, ayaa waxay shir ku qabteen Xafiiska Guud ee Hay’adda Kafaalo ee magaalada Oslo ee xarunta dalka Norway. Guddigaas waxaa hogaaminayay Dr. Cali Maxamed Saalax oo ah shiikha guud-ahaan Soomalida Norway iyo gaar ahaan Imaamka Masjidka Tawfiiq Islamic Center.
Dr. Cali Maxamed Saalax ayaa wuxuu ku wareejiyay masuuliyadda lacag dhan 224.000 NOK (labo boqol, labaatan iyo afar kun) oo Norwiiji ah Hay’adda Kafaalo oo mashruucaan masuul uga yahay Gudoomiyaheeda Khadar Cabdiqani Camey. Lacagtaas oo ah mid ay kusoo tabareuceen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway.
Kafaalo ayaa halkaas kula wareegtay xilka masuuliyadda gaarsiinta tabarucaadkaas dadka ehelka u ah iyo kasoo warbixintooda, iyadoo kaashan doonta Guddiga Culimada & Hay’adda Minhaaj ee hawshaan ugu istaagtay sida hagar bax la’aan ay ku dheehan tahay.
Maamulka Hay’adda Kafaalo
Wakhtiga xafiiska:16:00-21:00
Postadresse: Postboks 9351,
Grønland, N-0135 Oslo
Tlf: (+47)21646815
Tlf: (+47)21646816
Mob:(+47)45809791
Tlf Kafaalo Sverige:(+46)0850383272
Halgan.net