Gudiga gurmadka culimada oo Jaaliyadda Soomaaliyeed Leicester Uk uga mahad celiyay deeqo lacageed oo ay soo gaarsiiyeen

November 29, 2013 - Written by Editor

DSC02345Boosaaso:-Kulan balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay kana dhacay Masjidka weyn  ee Al- Rowda ee magaalada Boosaaso ayaa gudiga gurmadka culimada Soomaaliyeed waxaa ay uga mahad celiyeen dhamaan jaaliyaadka Soomaaliyeed ee gurmad ama deeqaha lacageed soo gaarsiiyey walaalahood dhibku ku dhacay.

Culimo’udiinka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyey deeq lacageed oo ay soo gaarsiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester Uk oo deeqda lacageed soo  marsiiyey Hay’adda Magaclay relief  and development ass(Leicester-uk): lacag dhan $ 22,724 oo jaaliyaddu iska soo aruuriyeen. Kulanka xalay ka dhacay masjidka Rowda ee Boosaaso ayaa waxaa kale oo ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Mu’asasada Al-Minhaaj Ustaad Ciise Siciid Maxamed oo isagana mahad balaaran u jeediyey Jaaliyaadka Soomaaliyeed ee dibada.  Halkaan ka eeg warbixinta culimada oo faahfaahsan.

Culimo’udiinka Soomaaliyeed ayaa marki roobabka dabaylaha wata ku dhufteen degaano ka tirsan Puntlland waxaa ay baaqyo kale duwan u jeediyeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka iyo dibadiisana waxaan umada Soomaaliyeed ay uga soo jawaabeen baaqa culimada si deg deg ah iyagoo deeq iyo gurmad la gaaray walaalahood dhibku ku dhacay. Halkaan ka eeg lacagta ay direen Jaaliyadda Leicester ,Uk,

no images were found

Waxaa xusid mudan in ay  Culimo’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland iyo masuuliyiinta Mu’asasada Al- Minhaaj ay socdaal ku gaareen goobaha mashaqadu ka dhacday iyagoo markii hore la gaaray deeq ka kooban cunto , daawooyin, Bustayaal dadka ku cayroobay roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Puntland.

no images were found

Warbixinta culimada oo cod ah ayaan idiin soo gudbin doonaa haddii ay na soo gaarto  ee ha moogaanina

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online