Gudiga gurmadka oo Jaaliyaddah Soomaaliyeed uga mahad celiyay deeqo lacageed oo ay soo gaarsiiyeen

November 29, 2013 - Written by Editor

DSC02345Boosaaso:-Kulan balaaran oo si heesare ah loosoo qaban qaabiyay ayaa waxaa uu ka dhacay Markaska Dacwiga ah ee Al-Rowda Bosaso Kulanka oo ay qabatay Mu’asasada Al-Minhaaj ayaa waxaa goob joog ka ahaa Culimada ugu waawayn Puntland.Kulanka Muhiimadiisa ayaa ahayd sidii Dadwaynaha Warbixin looga siin lahaa meesha ay marayso Deeqaha gudiga soo gaaray oo ay dadka soomaaliyeed ugu deeqayaa dadkay Musiibadii ku habsatay Qka dhacday aar kamida Deegaanada Puntland islamarkaana loogu mahad celinlahaa, looguna ducayn lahaa Dadkii wax la baxay .

Ugu horayn waxaa Hadalka qaatay Gudoomiye ku xigeenka Mu’asasada Al-Minhaaj Ustaad Ciise Siciid Maxamed isagoo uu xusay dhamaan  Dadkii dibada lacagaha soo diray isbuucii ugu danbeeyay si ay u ogaadaan in wixii ay soo direen ay culumadii gaareen lana gaarsiin doono dadkii ay ugu deeqeen insha alaah.Waxaa ka mid ahaa Dadkii wax soo diray Jaaliyado Soomaaliyeed oo Qurbaha kunool iyo Shakhsiyaat waxaana Jaaliyadaha iyo shakhsiyaadkaas wax la baxay kamid ahaa ee uu xusay gudoomiye ku xigeenka mu’asasadu :-

1-Jaaliyada Puntland cuman: $ 36,886

2- Somali community(perth nourth Australia) : $ 24,ooo.

3-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester Uk oo lacagta soo  marsiiyey Hay’adda Magaclay relief  and development ass(Leicester-uk): $ 22,724.

4- Jaaliyada Puntland ee Copenhegan: $ 13,900

5-odayaasha dhaqanka ee mgaalada oslo: $ 11,355

6- Jaaliyada Puntland Qatar : $ 10,088

7- Jaaliyada Puntland iyo jubaland ee captown: $ 10,000

8- Jaaliyada soomaaliyeed ee Chicago: $ 8,500

9- Sh.Maxamuud Xusseen   $ 7,620

10- Gabdhaha reer Birmingham: $ 7,120

11-Xaliimo cabdi samad (Liverpool):  $ 4,447

12- Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway : $ 4,218

13-Cadaysay c/shakuur  cali (oslo) : $ 4,120

14- Jaaliyada soomaaliyeed ee france paris: $ 4,000

15-Cumar cali nuur (Norway) : $ 4,000

16-C/ladiif maxamed(cijovik-opppland-nhz): $ 2,900

17- Sh mukhtaar sh xussen (Sweden) : $ 2,640

18-Puntland student association kualalampour: $ 2,631

19- Jaaliyada ardayda soomaaliyeed ee haydarbad: $ 2,580

20-Abshiro c/dale xussen (jeddah):$ 2,529

21-C/waaxid aw faarax axmed (uk): $ 2,304

22-Naciima adem maxamed (rot) :$ 1,820

23-C/qani  xussen xirsi  (boosaaso): $700

24-Al taqwa (toranto): $600

Sidoo kale waxa jiray dad aad u fara badan oo bixiyay lacago ka yar $500 (dolar), oo aanan halkan ku xusi karin tira badni owgeed, hase ahaatee ay gudigu magac yadooda ay tiriyeen.Intaa ka dib waxa hadalka qaatay  Sh.Daahir Aw Cabdi waxa uuna soo bandhigay Warbixintii ugu danbaysay ee uu helayo waxaana uu sheegay in marka hore ay u mahadcelinayaa dadwaynihii wax labaxay Dal iyo Dibadba.

Xaalada meesha ay marayso ayuu taabtay Shiikh. Daahir Aw-cabdi waxaana uu sheegay in iyagu ay ahaayeen dadkii meesha tagay soona qiimeeyay Xaalada haatanna Wararka uu helayo ay sheegayaan in cuduro ay ka dhaseen Bakhtigii Xoolaha , Xoolaha laf ahaantooduna ay sii le’anayaan.

Sh.Daahir waxaa uu carabka ku dhuftay in Bulshadu waxa ay bixisay ay ka wanaagsanyihiin waxyaabaha ay Hay’aduha meelahaas ka soo qaadaan oo uu sheegay inaysan Barako lahayn , Waxaana uu Sheegay Shiikhu in Tabarucaatkii ay soo direen Walaaluhu ee soo gaaray ay galeen Gacan aamin ah oo aan wax isdaba marin aqoon.

Dad Soomaalida ah inay yihiin dad Wanaagsan oo isku naxariista ayuu sheegay Shiikhu waxaana Tusaale u ah sidii ay uga qayb qaateen Gurmadka iyaga oo aan Reer Reer lahayn sida wadajir ahna wax u wada qabanaya. Sidoo kale waxa ka hadlay kulankaas Sh Axmed Daahir Xasan iyo Sh.Maxamed Macalin oo iyaguna u mahad celiyay dad waynaha soomaaliyeed ee ka qayb qaatay kaal maynta walaalahooda tabaalaysan , sidoo kalena u duceeyay dhamaan cid walba oo ka qayb qaadatay.

Gudiga gurmadka culimada & Mu’asasada Al-Minhaaj
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online