Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho
November 22, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu hogaaminayey waxaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar,Wasiirro ka tirsan Xukuumadda,inta ugu badan XIldhibaannada Golaha Shacabka,saraakiisha Ciidammada,waxgarad iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa oo ahaa XIldhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa mid mid u gacan qaaday dhammaanba xubnihii kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho waxaana soo dhaweyntaasi kadib uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari saxaafadda kula hadlay qeybta nasashada garoonka diyaaradaha Muqdisho isaga oo faah faahin ka bixiyey safarkii shaqo ee wafdi uu hogaaminayo ay ku tageen dalka Kuwait halkaasi oo uu uga qeybgalay shir madaxeedka dalalka carabta iyo Afrika islamarkaasina khudbad ka jeediyey.
Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tilmaamay inuu kulammo gaar gaar ah kula qaatay dalka Kuwait madax ka kala tirsan caalamka sida Madaxweynayaasha iyo Gudoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Carabta iyo Afrika ayadoo dhammaan xubnihii uu la kulmay uu u gudbiyey fariinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,sida ay Soomaaliya diyaar ugu tahay iney soo dhaweyso dal kasta oo maalgashi ku sameynaya iyo sida loogu baahanyahay in dalalka Carabta iyo Afrika ay ka qeybqaataan gurmadka loo fidinayo dadka ay duufaantu saameysay ee ku dhaqan gobollada Puntland.
Markaasi kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa kormeeray xarunta Golaha Shacabka oo dib u habeyn lagu sameeyey gaar ahaanna qeybta ay ku shirayaan Xildhibaannada Golaha Shacabka oo howlihii dib u habeynta ahaa ee lagu waday lasoo gebagebeeyey.
––DHAMAAD—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Gudoomiyaha Baarlamaanka
Media & Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so