Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika oo booqday xarumaha Jaamacaddaha Simad iyo Banaadir

November 28, 2013 - Written by Editor

P1270761Boosaaso:-Wafdi balaaran oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Prof. Cabdirisaaq Hiirad Maxamed oo uu ka mid ahaa Guddoomiye ku xigeenka Jaamacada Dr Dayid Cali Maxamed ayaa booqasho ku tagay xarumaha Jaamacadaha Simad iyo Banaadir,halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyey. Jaamacada Bariga Afrika oo ka mid ah jaamacadaha ugu balaaran uguna da’da wayn ,jaamacadaha ka jira geyigeena ayaa la leh xiriiro kala duwan kuwa dhigeeda ah ee ku yaal Soomaaliya. Sidoo kale JBA waxay kulama iyo booqasho joogta ah ku samaysaa jaamacadaha kale.

Hadaba ayadoo arintaas laga duulayo ayaa dhawaan waxaaa booqasho ku tagay xarumaha jaamacadaha Simad iyo Banaadir wafti heer sare ah oo uu hogaaminayay gudoomiyaha JBA Dr. Cabdirasaaq Hirad maxamaed. Wafdigaas ayaa kulamo kale duwan la yeeshay maamulada kal duwan ee jaamacadaah oo ay kamid ahaayee gudoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. Cabdirisaq Dalmar iyo gudoomiyaha Jaamacadda Simad Dr.Cabdiraxmaan Odawaa (Simad).

Kulamadaas ayaa aad loogu falanqeeyay siddii xiriir joogto ah ay u yeelan lahayeen jaamacadahaas iyo JBA iyo sidii ay isaga kaashan lahaaayeen waxyaalo badan ay ka mid yihiin tayaynta iyo kor u qaadida waxbarshada, kawada shaqaynta manaaahijta iyo is dhaafsiga macalimiinta iyo ardayda.Wafdiga Jaamacada Bariga afrika ayaa si heer sare ah loogusoo dhaweeyay Jaamacadaha Banaadir iyo Simad.Ugu danbayntii Jaamacada Bariga Afrika waxay heshiisyo kala duwan lasoo saxiixatay labada jaamacadood, heshiisyadaas oo kusaabsanaa sidii si buuxdada ay u wada shaqayn lahaayeen.

no images were found

Abdiqani Qalabad
Boosaaso, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online