Bashiir Ciise Cali oo loo magacaabay Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee DFS
November 27, 2013 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee DFS ayaa waxaa loo si KMG loogu magacaabay Bashiir Ciise Cali oo horey isaga casilay xilkaas waxaana magacaabay Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ka dib i casilaadii Marwo Yusuf Abraar oo xilkaas heysay mudo ku dhow 2 bilood.
Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ayaa wuxuu xilka u sii heyn doonaa si ku meel gaar ah ,Bashiir Ciise Cali ayaa xilka waxaa horey ugu magacaabay Madaxweynihii hore ee DFS Marxuum C/llaahi Yuusuf Ahmed.
Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa muddo ka badan bil aan lahayn wax guddoomiye ah ka dib markii ay isku dhaceen Gudoomiyihii Bangiga Dhexe Marwo Yusuf Abraar iyada oo ka cabatay musuqmaasuq iyo hanjabaadyo uga imaaneysa madaxada sare ee dowlada federaalka Soomaaliya.
A/Cawale
Halgan.net