Gurmad la gaarsiiyey deegaanadii ay ku dhufteen Duufaanadii watay roobabka (Masawiro)

November 19, 2013 - Written by Editor

DSC01791Boosaaso:-Culumaa’uddiinka deegaanada Puntland ayaa ka warbixiyey socdaal ay dhawaan ku tageen deegaanada ka tirsan Puntland oo ay ku dhufteen duufaano iyo roobab khasaaro badan geystay.

Sheekh Axmed Daahir oo ah guddoomiyaha guddiga culumada gurmadka wada ayaa sheegay in  jiraan carruur iyo dad waaweyne ay  nafaqo darri ay ku heyso deegaanada ay koormeerka ku tageen wuxuuna baaq u jeediyey in dadkaas loo xoolo gooyo.

Sheekh Daahir Aw Cabdi ayaa sidoo kale sheegay in ay soo arkeen dhibaato balaaran ayna dadkii iyo duunyadii ay gaareen khasaaro wuxuuna mahad u celiyey dadweynaha Soomaaliyeed ee walaalahood gurmadka u fidiyey.

Kulankanka ay culumada warbixinta ku soo gudbiyeen ayaa waxaa xalay lagu qabtay Masjidka Al-Rowada ee magaalada Boosaaso waxaana ay culumada soo bandhigeen  Muuqalo laga soo duubay Xoolihii iyo dadkan ka dhintay duufaanada ka dhacay Puntland waxaana bakhtiyey 89% xoolihii ay haysteen waloow ay dadka ka muuqday sabar iyo Iimaan sida uu sheegay Sheekh Daahir Aw Cabdi Xafidahulaah

no images were found

Waxaa wili si xowli ah ku socda gurmada iyo deeqaha balaaran oo ay soo dirayaan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibada ku dhaqan waxaana u dabneysay jaaliyada ku dhaqan dalka Denmark gaar ahaan magaalada Copenhagen waxaana ay ku deeqeen ($28.000) waxaana gurmadka qeyb weyn ka qaatay culumada Masjidka Al-Tawxiid iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Copenhagen.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online