Gurmad Xaalad degdeg ah: Duufaannada ka dhacay gobollada Bari ee Somalia
November 14, 2013 - Written by Editorlondon:-Kulan ay xalay iskugu yimaadeen Masaajidda jaaliyadda Soomaliyeed ee UK oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Al-irshaad, kana dhacay Masjidka Al-Risaala ayaa looga wada hadlay sidii looga qaybqaadan lahaa gurmadka dhibaatada duufaanta ee ku dhufatay Somalia.Culumada iyo masuuliinta masaajidda kulmay oo muddo 4 saacadood ah isla maaraynayey sidii musiibadan loo wajihi lahaa ayaa isla gaaray qodobbo iyo tallaabooyin loogu gurmanayo walaalaha ay dhibaatadu saamaysay. Waxaa shirka laga soo saaray baaqan hoos ku qoran:
1- Dhibaatada dhacday waa musiibo Rabbaani ah oo ay sababtay dunuubta aynu innagu kasbannay, waxaana loo baahanyahay in Ilaahay loo laabto Isagana laga baryo inuu inaga qaado: وما أصابكم من مصيبة فبما كسبت أيديكم ويعفو عن كثير ,
ظهر الفساد في البر والبحر بما كسبت أيدي الناس ليذيقهم بعض الذي عملوا لعلهم يرجعون
2- Musiibada dhacday waa musiibo aad u ballaaran, dad aad u farabadanna aafaysay. Dhimashada dadkii dhintay iyo burburka soo gaaray deegaanka waxaa ka sii xanuun badan sida aan weli war looga hayn dad aad u farabadan oo la hubo in ay ku suganyihiin xaalad aan la qiyaasi karin. Dadka waxaa soo gaarey dhibaato baaxad leh oo dhinac nafeed, xoolihii oo baaba’ay, deegaankii iyo guryihii oo burburay iyo weliba inta iyagu ka badbaaddey dhibaatadan oo aan haysan wax ay afka geliyaan.
3- Waxaanu ku baaqaynaa in jaaliyadda Soomaaliyeed ee dibadda joogta, gaar ahaan Reer UK ay u istaagaan si u dhiganta xajmiga ay musiibadu le’egtahay. Waxaa la inooga fadhiyaa in aynu maanta muujinno walaaltinimadii Islaamka, ehelnimadii iyo Soomaali nimadii la inagu yaqaaney iyo mid ka sii badanba. Waxaa la inooga baahanyahay inaynu u istaagno sidii wax loo gaarsiin lahaa dadka dhibaatada aan ku dhiman lakiin qarka u saaran inay gaajo iyo dayac u baaba’aan.
4- Dhibaatadu waa mid degdeg ah una baahan in maanta si degdeg ah looga jawaabo.
5- Waxaanu ugu baaqaynaa masaajidda, ururrada, culumada iyo waxgaradka jaaliyadda UK in ay Gurmadkan si lixaad leh uga qayb-qaataan.
Halkaan ka Akhriso baaq deg deg ah oo dhamaystiran no images were found
Hay’adda Al-irshaad,
London, Uk