Warbixintii culimadii tegay goobihii duufaanada ay ku dhufteen.[Dhagayso]

November 20, 2013 - Written by Editor

1Boosaaso:-Culimo’udiin ,ducaad iyo waxgarad kale oo ay hogaaminayeen Sh Daahir Aw-Cabdi iyo Sh.Axmed Daahir iyo Gudoomiyaha Mu’asasada AL-minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta Ustaad Maxamed Maxamuud Ciise oo mud 4 maalmood ah ku sugnaa deegaannadii ay aafeeyeen roobabkii dabaylaha watay ee dad iyo duunyaba halaagay .

Culimada iyo waxgaradka kale ayaa xalay warbixin iyo wacdi ka soo jeediyey Masjidka weyn ee Al-Rowda ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, Shiikh Daahir Aw-Cabdi oo ugu  horreyn wacdi iyo warbixin kooban jeediyey ayaa waxaa uu aad ugu dheeraaday dhibaatada ay ku soo arkeen goobihii ay musiibadu ka dhacday wuxuuna sheegay Sh.Daahir Aw-cabdi  xusay in ay dadkaasi u baahan yihiin taakulo, dib u dejin iyo in loo xoolo gooyo.

Waxaa kale oo warbixin iyo wax uu ku soo arkay goobaha ay ka dhaceen roobabka iyo dabaylaha ka hadlay Gen.Cali Ismail isagoo sheegay in dhulka ay soo mareen iyo baaxadda dhibaatada saamaysay dhul kaas. Dhinac kale Gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Maxamed Caydiid Jaamac waxaa uu isaganu aad ugu dheeraaday dhibaada uu soo arkay gaar ahaan xoolihii ku dhintay roobabkii dabaylaha iyo duufanaad watay  ee ku dhuftay  degaano ka tirsan Puntland.

Gudoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga Maxamed Caydiid Jaamac ayaa waxaa uu ka sheekeeyey dadka dhibku ku dhacay si dareenkoodu u sareeyey ayna alle aad ugu kalsoonaayeen iyagoo culimada iyo waxgaradkii kalena ee socdaalka ugu tegay aad u soo dhaweeyey. Gabagabadii ayaa guddoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta, Maxamed Maxamuud Ciise waxa uusoo bandhigay warbixin ku aadan kormeerka ay ku soo sameeyeen deegaandaas iyo muuqaalo ay ka soo qaadeen deegaanada ay soomareen.

Hoos ka Dhagayso warbixintii ay bixiyeen Sh Daahir Aw-Cabdi iyo Gen Ismail

Hoos ka Dhagayso warbixintii ay bixiyeen Gudoomiyaha Al-Minhaaj iyo guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/u60s7phn2i/Warbixin2.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online