Idaacada VOA oo shaacisey in Khilaaf uu soo kala dhexgalay madaxda DFS

November 11, 2013 - Written by Editor

imagesMuqdisho:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu iscasilo. Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo kala duwan oo ay ku jirana ilo wareedyo ka tirsan dawladda Soomaaliya balse magacooda qariyey maadaama aan loo oggolayn inay arrintan ka hadlaan ayaa idaacadda VOA u sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay dalabkaasi u bandhigtay Ra’iisul Wasaare Saacid, oo wararku sheegayaa inuusan aqbalin markiiba.

Ilaa hadda ma cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay ayaa idaacadda VOA u sharxey in Ra’iisul Wasaare Saacid uu kulamo la leeyahay la-taliyayaashiisa.

Ilaa hadda ma cadda sababaha ka dambeeya in madaxweynuhu uu ka dalbado Ra’iisul Wasaaraha inuu is casilo. Laakiin wararka qaarkood oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu waayey kalsoonida dhowr ka tirsan Golihiisa Wasiirrada; halka warar kalena ay sheegayaan in madaxtooyada iyo xafiiska ra’iisul wasaaruhu ay isku maan-dhaafeen qaabka ay u dhacayso isku shaandhayn uu ra’iisul wasaaruhu sheegay in lagu samayn doono golaha wasiirrada.

VOA waxay la xidhiidhay Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha, labaduba wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan wararkan oo ilo kala duwanna ay VOA u qireen.

VOA Somalia

Leave a comment

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online