Ina mari W/Q: Sh.Xassan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan)

November 19, 2013 - Written by Editor

AbuxassanNin waalan oo laga yaqaanno deegaanka burco ayaa nin tagsiile ah ku yidhi meel I gee ka dib markii uu gaadhigii fuulay ayaa wadihii tagsigu ku yidhi xaggeen ku geeyaa markaasuu ugu jawaabay ina mari ( ina socodsii) , gaadhigii markii uu cabbaar socday oo uu la gudboon yahay waddo leexaneysa ayuu wadihii tagsigu kireystihii ku yidhi jidkeen maraa markaasuu ugu jawaabay ku laab isaga oo waddadii leexaneysay u tilmaamaya.

Wadihii jidkii leexday ayuu la leexday markii uu cabbaar kale socdayna waxaa ku yimid mid kale oo leexanaya kireystihiina wuxuu ku yidhi ku laab, wuu ku laabay ka dibna jidkii meel xidhan ayuu ku dhammaaday, wadihii gaadhiga dareen baa galay wuxuuna yidhi war ninyohow waddadii way soo xidhantaye xaggeed u socotaa, kireystihiina wuxuu ugu jawaabay :middii laabataba ka laab! Tagsiilihiina xilligaas ayuu ogaaday inaanu nin fayow sidin waxayna talo noqotay inuu iska dajiyo.

Dad badani cidii ku tidhaahda ina mariba way iska raacaan iyaga oo aan hubsanin halka loo socdo, ka dibna sidii ay waddadii laabataba uga laabayaan waxay is arkaan iyaga oo balo iyo baas u galay, mashaqadaasina waa midda ku dhacday dadka sida indho la, aanta ah isaga daba booday kooxda shabaab, markii hore waxaa loo sheegay gaalada ayaa lala jihaadayaa, mar dhexena waxaa shaqo looga dhigay in muslimiinta soomaalida ah la laayo waxaana loogu sheegay inay murtaddiin yihiin, ka dibna waxaa lagu amray inay albaabada masaajidda dadka ku laayaan iyaga oo soo tukaday ama salaadda u sii socda.!

Ugu danbeyntiina waxaa la amray inay culimadii umadda ilaahay sababkooda wax badan ku badbaadiyay ee cimrigoodii dacwo iyo diin faafin ku soo dhammeystay ay masjidka dhexdiisa ku toogtaan iyaga oo salaad farad ah tukanaya, ka dibna waxaa loo diray inay saaxiibadoodii ay dadka wada leyn jireen soo laayaan wayna laayeen!. Tolow dadkaas marba qibladii la doono loo tukinayo ee tii laabataba laga laabayo ma iska hubin waayeen in dadka hoggaaminayaa ay diin ahaan ama caqli ahaan fayowyihiin mise iyaga laftooda ayaaban fayoobeyn.

W/Q: SH. Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu Xasaan)

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online