Itoobiya iyo Jabuuti oo gurmadkii ugu horeeyay u soo diray Puntland.[Masawiro]
November 15, 2013 - Written by EditorGaroowe:- Waxaa maanta soo gaaray Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe gurmadkii ugu horeeyey ee ka yimid dalka Jabuuti iyo Itoobiya waxaan gurmadkaan waday ilaa labo diyaaradood. Diyaaradaha maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sideen raashin , dawooyin iyo agab kale. Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay ugu deeqday dadka dabayaha iyo roobabku ay ku dhufteen ilaa 30 tan oo daawooyin ah halka dowladda Itoobiya ay ugu deeqaday daawooyin iyo Injineero la filayo in ay ka qayb qaataan Dhismaha buundada SuniJiif ee dhawaa goday.
Diyaaradaha ka timid dalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxaa la sheegayaa in ay hordhac u yihiin diyaarado kale oo ay u sahminayaan in ay ka soo degi karaan Garoonka diyaaradaha ee Garoowe.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlay garoonka diyaaradaha ee Garoowe xiliga ay yimaadeen diyaaradahaan sidda gargaarka ayaa waxaa uu mahad u jeediyey madaxda dalalka Itoobiya iyo Jabuuti isagoo uga mahad celiyey gar gaarka bini’aadinimo oo ay u fidiyeen shacabka reer Puntland oo ay dhibaatadu gaartay.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa xusay in gurmadkii ay ka codsadeen beesha caalamka ay ugu soo hormareen dalalka Jabuuti iyo Itoobiya wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay mar kale in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan Puntland.
Isla maanta ayaa la filayaa in ay yimaadaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe diyaarado kale oo ka socda caalamka kuwaas oo sidda dawooyin iyo agab kale si loo gaarsiiyo dadka wax ku noqday roobabkii dabaylaha watay ee ku dhuftay degaano ka tirsan Puntland.
no images were found
M_M_Deeq
Halgan.net