Itoobiya oo Sheegtay in ay ka mid noqon doonto ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomalia

November 10, 2013 - Written by Editor

DesalengAdisAbaba:-Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalagn ayaa waxaa uu sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay in ay ka mid noqoto ciidanka AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalagn ayaa waxaa uu kulan la qaatay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto waxaana ay ku heshiiyeen dagaalka ka dhan ah Uruka Al-Shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya ayaa sheegay in Al-Shabaab ay khatar badan ku hayaan dowladaha Geeska Afrika waxaana uu soo dhaweeyey hadalka ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalagn

Wargeysyada ka soo baxa dalka Kenya ayaa si weyn wax uga qoray heshiis hoose oo ay wada gaareen dowlada Itoobiya iyo Kenya kaas oo ku saabsan Ganacsiga ,Dhaqaalaha ,iyo Amniga.

Ciidamo ka tirsan dalka Itoobiya ayaa ku sugan deegaano ka tirsan Soomaaliya iyaga oo aan cidna ka warqabid tiradooda waxaan kale oo Itoobiya gacanta ku heysaa arimaha Soomaaliya  hadii ay ku guuleysato in ay ka mid noqoto AMISOM waxaa ay si cad u heli doontaa Dhaqaalo iyo taageero ay bixiyaan wadamada reer Galbeedka

Midowga Afrika ayaa ilaa haatan ka jawaabin hadalka ka soo yeeray Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalagn waxaana Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya ciidamo kor u dhaafay 17,600 .

Soomaaliya ayaa noqotay meel ay dhaqaalo ku raadsadaan ciidamada wadamada Afrika si ay u sii fogeeyeen in dowlada rasmi ay ay ka dhalato dalka waxaana dad badan ay is weydiinayaan ciidamada AMISOM ee maalin walba la soo kordhinayo xili ciidanka DFS aysan heysan wax mushaaro iyo daryeel ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online