Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Leicester, Uk oo lacag deeq ah u dirtay Gudiga Gurmadka Culimada
November 26, 2013 - Written by EditorLeicester:- Waxaa maanta oo Taariikhu ay tahay 26-11-2013 ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester , UK ay ugu deeqeen lacag gaaraysa $22,724 dollar dadkii waxyeeladu ka soo gaartay roobabkii dabaylaha iyo duufaanka watay ee ku dhuftay gobollada Bari, Karkaar Nugaal, Gardafu. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester oo ka kooban Culimada , Ducaada , Odayaasha , Haweenka ayaa si isku duubni ku jirto uga qayb qaatay gurmadka loo fidinayey walaalahood Soomaaliyeed ee ku cayrtoobay roobabka iyo duufaantii Cyclone03A ee ku dhufatay dhawaan degaano ka tirsan Puntland.
aaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester ayaa waxaa ay deeqda lacageed ay marisay hay’adda MAGACLEY RELIEF AND DEVELOPMENT ASSOCIATION[ MARDA] si loo waafajiyo sharciga dalka Ingriiska maadaam hay’addu ay tahay mid ka diiwaan gashan dalka Ingriiska. Hay’adda MAGACLEY RELIEF AND DEVELOPMENT ASSOCIATION[ MARDA] ayaa ah Hay’adda mar walba u taagan u adeegida bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriska iyo dalka Soomaaliya.
Waxaa cadaynaynaa haddii aan nahayd Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester in hay’adda MARDA ay fududaysay oo kaliya in lacagta la marsiiyo balse deeqda lacageed waxaa ay ka timid Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester waxaan lagu hagaajiyey Shiikh Daahir Aw-Cabdi oo ka mid ah gudiga gurmadka culimada Puntland.
Hoos ka eeg lacagta Caddaynta lacagta ay direen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Leicester
Halgan.net
Leicester, Uk