Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Banaadir oo deeq ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Culumadda.

November 26, 2013 - Written by Editor

shmaxamedBoosaaso:-Maamulka Jaamacadaha Bariga Afrika iyo Banaadir ayaa waxaa ay si wada jir ah deeq u gaarsiiyeen dadkii dhibaatada roobabku u geysteen , deeqdaas ayaa waxaa ay iskugu jirtay Daawooyin, Lacag, dhar iyo agab kale. Xaflada lagu wareejinayey deeqdaan ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta Jaamacadda bariga Afrika ee Boosaaso waxaan goob joog ka ahaa maamulka Jaamacadda  iyo culimada u xilsaaran gurmadka in ay gaarsiiyaan dadka tabaalaysan.

Guddoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Prof. C/risaaq Hiirad Maxamed oo la hadlay   saxaafada ayaa waxaa uu mahad balaaran u jeediyey ardayda iyo masuuliyiinta jaamacaddaha bariga Afrika iyo Banaadir sidda xilkasnimada ah ee ay u caawiyeen walaalahood, Prof C/rizaaq Hiirad ayaa xusay in ay waajib tahay in ay dadka muslimiinta ah ay is caawiyaan isna gacan qabtaan markii dhibaato dhacdo.

Dhinac kale Maxamed Cismaan Maxamed oo isaguna ka socday Jaamacadda Banaadir  ayaa waxaa uu baaq u jeediyey dadka soomaaliyeed dibada iyo gudaha in ay gurmad la soo gaaraan walaalahood ku dhibaatoobay roobabka watay dabaylaha iyo duufaantii Cyclone03A ee ku dhufatay dalka Filibiin iyo degaano ka tirsan Puntland.

Sh.Maxamed Macalin oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ee ku nool Puntland kana mid ah culimada loo xilsaaray gurmadka dadka dhibku ku dhacay ayaa waxaa uga mahad celiyey masuulinta labad Jaamacaddooda ee Bariga Afrika iyo Banaadir deeqda ay u fidiyeen walaalahood  isagoo ugu duceeyey in alle ka qabalo wixii ay la baxeen oo Sadaqo ah.

Sh.Maxamed Macalin ayaa balan qaaday in gurmad kasta oo culimda soo gaar ay si aamin ah ay u gaarsiin doonaa dadka mudan in loo gurmado waan mid ay xilka iska saareen culimadu ayuu yiri ” Sh Maxamed Macalin Axmed”.Culimo’udiinka ku nool Puntland ayaa waxaa ay weli ku mashquulsan yihiin in ay gurmad dhinac walba ah ay gaarsiiyaan dadka dhibaatadu gaartay iyagoo maalinba maalinta ka danbaysa ay gurmad iyo deeqo kale duwan ay soo gaarsiinayaan walaalahood Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudahiisa

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online