Khudbadii Jimce ee Masjid jaamica Buuhoodle Sh Axmed Maxamed Suleymaan.[Daawo Video]

November 5, 2013 - Written by Editor

snapshot_083Buuhoodle:-Waxaa magaalada Buuhoodle ee Gobolka Cayn soo gaaray Sh Axmed Maxamed Suleymaan oo ka mid ah culimada waaweyn e Soomaaliya fadhigiisuna yahay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.Sh Axmed Maxamed Suleymaan oo socdaal dacwadeed ku joogay magaalada Buuhoodle ayaa waxaa khudbadii Jimce uu ka jeediyey  jaamica weyn ee magaalada buuhoodle. Shiikh Maxamed Axmed Suleymaan ayaa khudbadiisa waxaa uu ku soo qaatay isna dultaaga aayado Quraan oo ka mid ah suurada alxujraad.

Shiikh Maxamed aya waxaa uu  sharax waafiya ka bixiyey ilaa Sagaal Aayadood oo ka mid ah Suuratu Al-xujraad oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin kuwaan soo socda:

– Inaan lagala hormarin alle iyo rasuulkiisa af iyo adintoona
– Inaan kor loo qaadin codka marka lala joogo qawlka alle iyo ka rasuulka.
– In layska hubsado wararka oo aan larumaysan wax kasta oo la sheego.
– In la heshiisiiyo wixii muslimiin ah ee dagaal dhex maro.
– Ilaalinta walaalnimada islaamka.

– Ka fogaanshaha wixii dhaawacaya walaaltinimada sida, xaqiraadda, afxumada iyo isugu yeedhidda naanaysaha xunx un.
– Ka fogaanshaha malaha xun, dabagalka ceebaha muslimiinta, iyo xanta.
– Ka fogaanshaha Qabyaaladda iyo xumaanteeda iyo weliba farqiga u dhexeeya qabiil iyo qab yaalad.

Khudbada Shiikh Axmed Maxamed Sulaymaan oo ahayd mid aad u qiimo badan waxaa soo dhaweeyey dadweynaha magaalada Buuhoodle iyaga oo muujiyey khushuuc aad u xeeldheer iyo go,aansi dhaqan gelin ah.

Hoos ka Daawo khudbadii Jimce ee Masjid Jaamica Buuhoodle Sh Axmed Maxamed Suleymaan


Masjid jaamica weyn
Halgan.net, Buuhoodle

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online