Khudbadii Jimce ee Masjidka weyn ee Al-hidaaya Shiikh Shibli.[Dhagayso]

November 29, 2013 - Written by Editor

alhidaayaNairobi:-Sh. Maxamuud Maxamed Shibli oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa ka jeediyey khubadii Jimce Masjidka Al-Hidaaya waxaan uu Shiiku aad ugu dheeraaday in kheyrka la isku kaashado xumaantana la iska reebo. Sh.Maxamuud Maxamed Shibli ayaa dadkii ku soo tukada Masjdka Al-hidaaya waxaa uu aad ugu booriyey in laga fogaado xumaanta iyo fidnada laguna dadaalo in kheyrka la isku kaashado si aduun iyo aakhiro loo badbaado.

Sh.Maxamuud Maxamed Shibli ayaa xusay in xumaadta oo la iska reebo  ay noqoto mar nasiix halka marka kale laga doonayo culimad diinta xanbaarsan in ay bayaamiyaan kuwa diinta ka been sheega si dadku aysan ugu kadsoomin ayna ugu soo gashan shaar culimo ka dibna ay dadka lumiyaan.

Sheekh Shibli ayaa waxaa kale oo dadweynihii soo xaadiray Khudbada uu ku waaniyey in ay ka digtoonaad fidnooyinka socda oo ay ugu horayso banaysiga dhiiga dadka Muslimiinta ah isagoo Shiikhu sheegay in qofka uu ka badbaadi karo oo kaliya in diintiisa uu barto ama uu ku xirmo culimada waaweyn ee diinta aqoonta durugsan u leh.

Hoos ka Dhagayso khudbadii Jimce ee maanta Masjidka Al-hidaaya ee magaalada Nairobi

Yaasiin Cabdi Axmed
Nairobi,Kenya

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online