Kulan Tabarucaad loogu uruurinayo dadkii ay duufaanada ku dhufteen oo ka dhacay Nairobi
November 24, 2013 - Written by EditorNairobi:-Waxaa habeenkii Sabtida eheed taburucaad laga bilaabay in laga uruuriyo Masjidka Abu Bakar ee magaalada Nairobi waxaana tabarucaadka qeybweyn ka qaatay Culumada ,Waxgaradka,iyo Ganacsatada magaalada Nairobi gaar ahaan xaafada Islii.
Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah ayaa aad ugu booriyey dadweyne badan oo soo xaadiray Masjidka Weyn ee Abubakar wuxuuna ka codsaday in ay taakuleyn iyo gargaar ufidiyaan walaalahood ay duufaanta ku dhufatay.
Waxaa kale oo dadweynaha aad ugu booriyey in ay ka qeybqaateen tabarucaadka deegaanada Puntland oo ay duufaanada ka dhaceen culumada kala ah Sheekh Maxamed Qaasim , Sheekh Maxamed Rashiid ,Sheekh Abubakar.
Maanta ayaa sidoo kale Culumada waxay munaasab weyn ku qabteen culumada xarunta weyn ee KICC waxaana halkaas isigu yimid ganacsato iyo dadweyne aad u tiro badan waxaana halkaas lagu uruuriyey tabarucaad aad u badan oo gaaraya ilaa 42,000 USD.
Culumada ayaa gabagabadii waxay u duceeyeen dhamaan ganacsatadii iyo dadweynihii la baxay tabarucaadka waxayna alle uga baryeeen in ganacsigooda alle u barakeeyo.
Yaasiin Cabdi Ahmed
Halgan.net