Lacag iyo Deeqo kala duwan oo soo gaaray Guddiga culimadda gurmadka Puntland
November 30, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Guddiga culimadda ee u istaagay in ay gurmadka iyo deeqaha gaarsiiyaan qoysaska ku cayroobay duufaanada Puntland ayaa galabta ka warbixiyey lacago iyo dhaqaalo ay soo direen ilaa shalay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibada dalka
Culumada ayaa Shir jaraa’id ku qabtay xarunta Jaamacadda Bariga Africa faraceeda magaalada Garoowe waxaana ay saxaafada mahadnaq iyo duco u mariyeen dhamaan dadweynihii gurmadka ka qeybqaatay ee lacagaha badan soo diray waxayna alle uga baryeen in uu khayr faro badan ku arsaaqo.
Saxaafada ayaa waxaa ay culumada u soo bandhigeen dhaqaalihii ugu danbeeyey ee soo gaaray waxaana si kooban warbixinta saxaafada u siiiyey Gudoomiyaha Musasada Al-Minhaaj C/raxmaan Ibraahim Diiriye faraceeda Garowe iyo Sheekh Maxamuud Xaji Yuusuf Xafidahulaah
Lacagaha culumada soo gaaray waxay kala yihiin
1:Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska gaar ahaan magalada London $65.708.65-cent(Irshaad Foundation)
2:Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Canada gaar ahaan magalada Toronto $45.000.
3:Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magalada Melborn $31.671.
4-Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Irland $4.250-doolar.
4:Sharmaarka oo jooga magalada Minneapolis ee cariga Mareykanka $958-doolar.
6:Dugsiga hoose dhexe ee AL-waaxa Garowe $568.doolar.
7:Hay’adda Cilmi baarista Puntland ee PDRC $2.000.
8:Maxamed Yaasiin Afgaab dalka Mareykanka $2.190.
9:Dugsiga farsamada gacanta Garoowe $500.
10:Cabdi Xirsi Cali Bootaan oo wakiil ka ah Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool Holan,culimada waxa uu ku wareejiyay $1.375.
Ugu danbeyntii ayaa culumada u duceeyeen cid walba oo gurmadka ka qeybqaatay waxayna alle uga baryeen khayr iyo wanaag in alle ugu badalo gargaarkii ay walaalahood u fidiyeen
Halgan.net