Ligligga ayaan haystaa!!!! W/Q Sh. Fu’aad Maxamuud X. Nuur

November 25, 2013 - Written by Editor

maqaal1Boosaaso:-Is maan dhaafku waa shay nolosha aadanaha ka mid ah, ilmo Aadan CSA ayaa is maan dhaafkoodii wuxuu ku dhammaaday dil, waxaase dhuuxid u baahan dhaqanka qur’aanku ka soo guuriyey labadaa nin ee walaalaha ahaa, markii ay is qabteen oo ay isu keeni waayeen ayaa la amray in ay Qurbaan bixiyaan kii laga aqbalaana uu gar leeyahay kan kalena uu yahay kan galda’ay, markii arri…ntii caddaatay waxaa anafo qaadday kii laga gar helay wuxuu la soo booday waan ku dilayaa, kii garta helay ayaa yiri haddaad ii gacan qaaddid anigu gacan kuu taagimaayo waxaan rabaa wixii dambi ah in aad adigu duuduubatid, kii xanaaqsanaa ma koran ee markiiba waa u guduudiyey walaalkii.

Qaabiilba Haabiil intuu qoonsaduu dilaye.
Qar ha dumo qiyaamana ha dhaco qoysna yuu harine.
Qacda waaga labadeenna qolo ha isu qaateene.
Wallee Faarax qooqaan ku dilay qoomamayn mahayo!!.

Tixdaan waxaa la sheegaa in Raage Ugaas uu tiriyey kaddib markuu dilay Faarax Wiilwaal oo ay gabar isku qabteen, waxaadna mooddaa in uu raad raac ka dhiganayo labadii ilmo Aadan CSW ahaa ee aan kor ku soo xusay!!.

Soomaalidu oraahyo door ah oo waxay leeyihiin muujinaya in aan is maandhaafka lagu xallin si is af garad ah ee ay tahay in labada qolo ee is haysa mid uun karkaarka la weydaariyo, ama inta la is dilo qolo ama qof meesha u haro.

Oraahyadaas waxaa ka mid ah Qumbe caddahayga ayaan ligligga haystaa!!, markii la is khilaafo waxaa furan in la raadiyo is af garad, waxaa kale oo suure ah in qolo tanaasul samayso, waxaan meesha ka maqnayn in hawl la wada wado iyadoo wax laysku diiddanyahay oo la qarsado is maan dhaafka dusha sarena la soo saaro oo aad loo muujiyo meelaha la isku raacsanyahay laakiin waxaad mooddaa in dhaqanka Soomaalidu u badanyahay sidii uu sheegay Ayax Dhawre (wallee nimaan is qabannoow wanaag igama sii qaaddid!!).

Siyaasiyiinta soomaalida ee xilka ummadda lala majeerto waxaa badan in muddo kooban marka ay wada shaqeeyaan ay kala boodaan, in lays maan dhaafo waa wax caadi ah (maan rag waa mudacyo afkood), waxaase ceeb ah in ayaga oo maamulaya dal iyo dad baaba’ay ay haddana mar walba isku qabtaan (sagaaro biyo waa cabtaa iyo ma cabto), waxaase ka sii liita in waxa laysku hayaa ay noqdaan dano gaar ah iyo kala bursi!!.

Xoolo iyo xil jacaylku waa caado xun oo aadanuhu leeyahay, waxaana Nabigeennu SCW uu sheegay in xukunka loo dadaalay aakhiro laga shallaynayo, laakiin dawaladdii dadkeeda nuujisa oo hooyo u noqota ay tahay tan wanaagsan, tii goysa raciyaddeedana ay tahay mid xun oo baas leh.

Nin soomaaliyeed oo geel qaad ahaan jiray ayaa la yiri war ummaddii waad dhibtay ee maad iska daysid dhibka iyo dhaca markaas ayuu tixdaan ku jawaabay.

Badda jiirayaa iyo Berriga jaanta mariyaaba.
Wallee geel jacaylkaan u qabo waan jirrabi uunka.

Bal u fiirso sida uu ugu madax adagyahay adiyadda iyo xasaradda!!, soo uma eka dhaqanka madax badan oo soomaaliyeed sida kan ninkaan oo kale, marka xil la doonayo waxaa lagu raadinayaa lug iyo faras!!, waxaad maqlaysaa ballan qaad tiraab aad u toolmoon iyo baxaalli aad u qurux badan, markii uu kursiga tagona kiiba ma aha, khilaaf, is haysi, is haaraan, hoog iyo ba’ ayaa noqday dhaqan siyaasadeedka soomaalida!!.

Maxaa diidey in loo wada shaqeeyo dalka iyo dadka?, maxaa diiday in lawada socdo ayada oo wax laysku khilaafsanyahay?, maxaa madaxdu u jeceshayhay in ay helaan dad kulligood u fekera sida madaxweynuhu u fekerayo, maxaa wasiirradu u jecelyihiin shaqaale kulli ah nuqul wasiirka ah (Copy) oo u socda sida uu u socdo, u hadla sida uu u hadlo oo asn meelna kaga duwanayn?.

Mise waxaa siyaasaddiina ka dhammaanweyday (nin walba qummanihiisaa qoorta ugu jira) oo siday isaga la tahay mooyee si kale ma jirto, waxaan soo xusuustay Sanbaloolshe oo marka Xalane la galo ugu khudbeeya ardayda meeshaan Xalane ayaa la yiraahdaa xiniinyaha irriddaa lagu soo xabaashaa ee gudaha la lama soo galo!!, garaadkaas han jabinta ah waa mid ku gaamuray siyaasadda soomaalida.

Waa inoo qormooyinka soo socda.
W/Q Sheekh Fu,aad Xaji

Leave a comment

*

Archives
November 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online